Garoowe: (pp)- Wasiir Ku-xigeenka Maaliyada Dawlada Puntland Cabdi Ibraahim Warsame (Qawdhan) oo maanta Shir jaraaid ku qabtay xarunta dhexe ee Wasaarada Maaliyada Magaalada Garoowe ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen malaayiin Lacag Shilin Soomaali oo la rabey in loo qaado Magaalada Muqdisho iyo degaano kale oo katirsan Koonfurta Soomaaliya si halkaas looga soo badesho lacago doolar ah.
Wasiirka ayaa tilmaamay lacagtan in lagu qabtay Kantaroolada Magaaloyinka Garoowe,Gaalkacayo iyo Boosaaso wuxuuna laamaha amaanka Puntland iyo weliba shacabka oo uu sheegay inay ka geysteen gacan weyn ku amaanay doorka muhiimka ah ee ay ka qaataan qabashada lacagahan oo hadii Dalka laga saaro uu sheegay inay dhalin lahayd khtar weyn oo dhaqaale oo gabi ahaanba saamaysa dadka reer Puntland.
Qawdhan ayaa sheegay Lacagta la qabtay inay kor u dhaafaysay Nus Bilyan shilin Soomaali ah ayna dadkii watey ugu badaleen Doolar maadama ay koobnayd wakhtiga la qabtay iyo wakhtigii ay go’aanka lagu mamnuucaayo in lacagta loo qaado koonfurta Soomaaliya ay wax yar u dhaxaysay, wuxuuna mar kale digniin u diray cid kasta oo isku dayda inay Puntland kala baxdo lacago Shilin Soomaali ah, Isagoo si gaar ah digniin ugu diray dadka qaadka ka ganacsada oo uu sheegay inaysan marnaba u ogolaan doonin inay Lacago Shilin Soomaali ah kala baxaan degaanada Puntland wuxuuna ugu baaqay inay lacagaha ka sariftaan Magaalooyinka ay qaadka keenaan ee Puntland.
Dhanka kale Wasiir Ku-xigeenka ayaa shaaciyey in wax ka yar bil gudaheed gudaheed Puntland aysoo gelin doonaan Lacago cusub ee Shilin Soomaali ah ayna hirgelinteeda iska kaashanayaan Dawlada Federalka ah iyo Tan Puntland, Isagoo Dadweynaha ugu baaqay inay Akoono ka furtaan Banka Dhexe ee Puntland si lacagta loogu badelo marka ay timaaod lacagta Cusub.
Tan iyo markii ay Dawlada Puntland shaacisay inaan lacagta Shilin Soomaaliga ah laga saari karin Puntland waxaa sara u kac weyn laga dareemay Lacagta Doolaarka oo markii hore si aada hoos ugu dhacday, Waxaana taalabada ay qaaday Dawlada soo dhaweeyey dadweynaha reer Puntland.
puntlandpost.com