Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Garoowe: Suxufiyiinta Puntland oo cambaareeyey tacadiyada loo geystey Wariyaasha, Sawiro .

$
0
0

Garoowe : (pp)- Wariyaal ka socda warbaahinta Puntland oo labadii maalmood ee ugu danbeeyey shir ku lahaa xarunta Labrariga Garowe ayaa maanta gabo gabadii kulankooda kasoo saarey warsaxaafadeed ay ku cambaareynayaan dhacdo jirdil wariyaal loogu geystey dhawaan Madaxtooyada Garowe.

Wariyaasha hadley

Wariyaasha hadley

Wariyaashan ayaa sheegey inay dareenkooda ku muujinayaan xad gudbyada ka dhanka ah suxufiyiinta ee kusoo laab laabta gudaha wadanka Somalia, kuwaas oo waxyeelo kasoo gaarto had iy o goor wariyaasha iyo qalabkooda.

Warsaxaafadeedka wariyaasha ayaa ku saabsanaa cambaareynta dhacdadii ugu danbeysay ee 28 bisha April lagula kacay wariyaal doonayey inay war ka duubtaan Madaxtooyada Magaalada Garoowe xilli shir jaraa,iid qaban lahaayeen Madaxweynayaasha Puntland iyo Somalia.

Wariyaasha kulanka joogeyWarsaxaafadeedka wariyaasha ayay ku sheegeen inaysan jirin war celin ama jawaab arrintaas ku saabsan oo kasoo baxdey ilaa iyo hadda Dowlada Puntland kuna aadan falkaasi jawaabtiisa, inkastoo wararka Puntlandpost helayso ay sheegayan in Dowladu Guddi dhacdaasi u saartey.

War saxaafadeedka Suxufiyiinta Garowe ku kulmay ayaa lagaga soo saarey Qodobo talo soo jeedin ah oo ku socda Dowlada Puntland , waxayna u qornaayeen Qodobadu sidan :

1. In baaritaan iyo dabagal lagu sameeyo arrimaha tacadiyaadka warfidiyeennada lagula kaco, cidkasta oo ka dambaysana arrintaasina sharciga lagu qaado.

2. In la sameeyo hannaan cad oo ay ku wadashaqayn karaan wariyaasha iyo dawladda Puntland, markasta ay jirto shaqo, si ay meesha uga baxdo carqaladahaan soo noq-noqday.

3. In arrintaan dawladdu u xilsaarto u saarista guddi gaar ah oo ka shaqeeya sidii Isfahan wanaagsan oo wadashaqayneed ay u yeelan-lahaayeen warfidiyeennada Puntland iyo dawladdu.

4. In dawladdu warbaahinta madaxabannaan ku tixgaliso shaqooyinka muhiimka ah ee ay bulshada u yahaan, isla markaana ay ilaaliso xoriyada saxaafadda ee uu jideenayo Dastuurka Puntland qodobkiisa 22-aad.

5. Annagoo tixgalinayna daruufaha amni ee xilligaan jira, waxaan soo jeedinaynaa in askarta Puntland ay tixgaliyaan shaqada warbaahintu u hayaan shacabwaynaha Soomaaliyeed, xushmeeyaan kaarka aqoonsiga wariyaha, iyagoo gudanaya waajibaadkooda shaqo.

Qaar ka mid ah Wariyaasha Shirka ka qeyb galeyPuntlandpost.com
Garoowe.

Nagala soo xiriir : Puntlandpost.pp@gmail.com.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>