Bosaso: (pp)- Magaalada Bosaso ayaa maanta waxaa ka dhacdey dil toogasho ah kaas oo lagu fuliyey 13 qof oo lagu xukumey in ay tirsanaayeen al-Shabaab, isla markaana dilal kala duwan loo haystey inay ka fuliyeen Deegaanada Puntland.
13 qof ee manata dilka lagu fuliyay ayaa 3 ka mid ah ay ahaayeen kuwo loo haystey inay ka qeyb qaateen dilkii Dr.Axmed Cabdiraxmaan oo 5/12/2011 lagu diley magaalada Bosaso, waxaana ka mid ahayd Gabadh lagu magacaabo Ruqiyo Xassan Maxamed Yusuf.
Maxkamada ayaa dadkan 27 Feberaayo 2013 ku xukuntey dil , iyadoona racfaan ay qeybtood qaateen wax cadeymo ah la imaan waayeen sida uu sheegey xeer ilaaliyuhu, ayna ku cadaatey kiisaska horey loogu xukumey , iyadoo uu sheegey Firdhiye inay qeybtood dadkan qiraal ka ahaayeen kiisaskii loo haystey.
Cabdikariin Xasan Firdhiye xeer ilaaliyaha guud ee Puntland ayaa Puntlandpost u sheegay in uu jiro askari ka tirsanaa ciidamadii dilka fulinayey uu goobta ku geeriyooday, kadib markii ay ku dhacdey xabadiihii lagu ridaayey dhalinyarada dilka lagu xukumey, inkastoo uu ka gaabsaday xeer ilaaliyaha in uu faahfaahiyo ka bixiyo sida uu askariga ay xabadda ugu dhacdey iyo magaciisa.
Askarta toogashada fulisey ayaa la sheegay in ay ahaayeen saddex saf oo kala danbeeya, kuwo dhulka dhabacan, kuwo jilibka laabtey iyo kuwo taagan, waxaana la filayaa in askarta taagan rasaastoodi ay haleeshay mid ka mid ah askarta Jilibka dhigtey.
Waxaa weli Xabsiyada Puntland ku jira dhalinyaro badan oo ku eedaysan falal dil ah in ay ka fuliyeen Puntland iyaga oo amarka ka soo qaatey al-Shabaab, waxaana badankood lagu xukumey dil tyoogasho ah.
Nagala soo xiriir : Puntlandpost.pp@gmail.com
Puntlandpost.com
Bosaso