Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Ardayda Jaamacadda Bariga Africa Bosaso oo bandhig dhaqameedkooda loo riyaaqay

$
0
0

Bosaso-(Puntland Post) Tartar dhaqameedkan lagu qabtay Jaamacadda bariga Africa xarunta Bosaso ayaa qayb ka ah dadaalada lagu xoojinayo dhaqanka iyo hidaha Soomaalida, kaasoo wixii ka danbeyay dowladdii dhexe ee Soomaaliya bur bur lixaad-leh ku yimi.

Ardayda Jaamacadda ayaa soo bandhigay mudadii munaasibadu socotay agab-yada dadka reer guuraga ah istimcaalaan, cuntooyinka Soomaaliya gaarka u lee yahay iyo ciyaaraha aan dad-yowga kala kaga duwan nahay.

Waxay Abwaanadii lagu marti qaaday oo ay ka mid ahaayeen Cabdiqaadir Shube, Jaamac Kadiye iyo Axmed Faarax Idaajaa ku tilmaameen Bandhigan dhaqanka inuu dib u xasuusiyay dad badan waxyaabaha ay caanka ku yihiin, kuwaasoo qaarkood aan fursad u helin inay bartaan waxyaabaha guryaha aqal Soomaaliga lagu dhiso, cuntooyinka dalka kasoo go’a, iyo ciyaaro dhaqameed kala duwan, xoolaha sida arriga, geela iyo fardaha ayaa qayb ka ahaa fanka dhaqanka ee jaamacaddu soo abaabushay.

Warbaahinta Puntland Post oo mar kasta u taagan in shacabkeeda Soomaaliyeed la wadaagto waxyaabaha dalka iyo dadka u wanaagsan ayaa sawirro gaar ah idin kaga soo qaatay bandhig dhaqameedkaasi, kaasoo bilow ilaa dhamaad idinla socod siinaysay damaashaadka dhaqankeena.
1

2

3

4

5

6

7

8

9

10

11

12

13

14

15

16

17

18

19

20

21

IMG_3963

IMG_3998

IMG_4002

IMG_4037
PUNTLAND POST

The post Ardayda Jaamacadda Bariga Africa Bosaso oo bandhig dhaqameedkooda loo riyaaqay appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>