Muqdisho-(Puntland Post)- Diyaraada Turkish Airlines ayaa maanta kasoo degtay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho Aadan Cadde,oo mudo labo asbuuca aysan diyaaradu kasoo dagin, kadib markii qarax ka dhex dhacay diyaarada Daallo.
Imaansha ay Turkish Airline ayaan horay loo ogayn, waxaana la sheegay inay waday Rakaab ay kaso qaaday Magaalada Istanbul ee wadanka Turkiga,dowladda fadaraalka iyo madaxda shirkadu wali kama aysan hadlin duulimaadka maanta ay ku timi Muqdisho.
Inkastoo aan si rasmi loo ogayn sababta Turkish Airlines u baajisay duulimaadka Muqdisho,hadana afhayeen u hadlay ayaa horay u sheegay in diyaaradoodu ay u baajisay duullimaadyadii ay Garoonka Muqdisho ku tegi jiray cimilada ama hawada uu xumayd awgeed, Isagoo aan bixin Faah-faahin intaas ka badan.
Joojitaanka duulimaadka Muqdisho ee Turkish Airlines ayaa kusoo aaday xili ay socdaan baaritaano ku aadan qaraxii ka dhex dhacay diyaarada Daallo oo Alshabaab ay sheegteen.
PUNTLAND POST
The post Diyaarada TURKISH Airlines oo maanta kasoo degtay Garoonka Aadan Cadde appeared first on Puntland Post.