Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Michael Keating oo Baydhabo kula shiray madaxda mamulka Koonfur Galbeed

$
0
0

large-4-816x450Baydhabo-(Puntland Post) Wafdi uu hoggaaminayo ergayga QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Michael Keating ayaa shalay gaaray magalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay, wuxuuna safarkooda salka ku hayay arrimaha doorashada 2016.

Michael Keating iyo madaxwayne Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa wada qaatay kulan ay kaga hadleen arrimo badan oo xaalada dalka ku saabsan, kolkuu soo dhammaaday kulankaasi ayay saxaafada wadajir ula hadleen.

Shariif Xasan Shiikh Aadan, ayaa marka hore sheegay inuu ku faraxsan yahay wafdiga ka socda beesha caalamka, wuxuu kale sheegay inay muhiimada koowaad tahay in la helo doorasho dalka ka dhacda sidoo kale waxa uu sheegay inay soo dhawaynayaan is-badalka iyo go’aankii dowladda Federaalka qaadatay ee ku saab sanaa xal u helida waddada lagu galayo doorashada soo socota.

Ergayga, QM Keating ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay kulanka uu la qaatay mamulka Shariif Xasan, waxa kale uu masuulkani sheegay socdaalkooda inuu la xiriiro doorashada iyo dhagaysiga mamulada dalka, siyaasiyiinta iyo rayidka waxay ka qabaan.

Puntland oo qayb ka ah dowladda dhexe ee Soomaaliya ayaa diiday guud ahaanba nidaamka qabiilka ee 4.5 in lagu galo doorashada soo socota, mana jirto ilaa iyo hadda go’aan kasoo baxay QM ee ku aadan doorashada iyo go’aanka Puntland.

Madaxwaynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo waraysi siiyay wargayska Kaaha Barri, ayaa sheegay in Puntland saddex waddo u banaan tahay kuwaasoo kala ah inay ku taagnaato go’aankeeda, inay gor gortan ka gasho iyo in Soomaaliya inteeda kale faraha kala baxdo.

PUNTLAND POST

The post Michael Keating oo Baydhabo kula shiray madaxda mamulka Koonfur Galbeed appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles