Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Garoowe: Dayactir laga bilaabey wadada u dhaxaysa Kalabayr iyo Tuulo Jalam ee gobolka Nugaal Sawiro.

$
0
0

Garoowe: (pp)- Hay,adda Wadooyinka Puntland ayaa bilowday dayactirka wadada isku xirta Kalabayr iyo Jalam iyadoo maanta gacanta lagu hayo Buundada Waabaha ka dib waxyeelo buundada kazoo gaartey roobabka.

Madaxda Buundada kormeertey

Madaxda Buundada kormeertey

Masuuliyiin uu ka mid yahay Agaasimaha Guud ee Hay,adda Wadooyinka Puntland Eng,Maxamuud Aadan Dalab ayaa kormeeray sida ay u socoto wadada oo dhisme uu ka soconayo .

3Wadada ayaa waxaa ka howl galaya qalabka Hay,adda PHA oo ay ka mid yihiin Cagaf cagafta ,Booyadaha ,iska rogooyinka iyo qalabka yaryar oo loo isticmaalo dayactirka wadooyinka.

Agaasimaha hay,adda PHA Maxamud Cabdinuur oo ka warbixiyey kormeerkiisii ka dib ayaa warfidiyeenka u sheegey in qorshahan uu qeyb ka yahay mid ay ku doonayaan inay ku gaaraan ilaa Gaalkacyo oo ay wax ka qabaneyso hay,addiisu wadooyinka u dhexeeya ee u baahan dayactir-ka.

1Suurto galnimada in lagu guuleysto hagaajinta wadooyinka oo burbur xoogan uu soo gaarey ayaa Khabiiradda Hay,adda PHA ku sheegeen inay u baahan tahay dhaqaale baaxad leh.

Dayactirka hadda hay,adda ka wado wadada u dhaxaysa kalabeyr iyo jalam ayaa lagu wadaa in lasoo gabo gabeeyo maalinta berito ah , iyadoona ay soo bilaamatey howsha wadadani laga soo bilaabo 25 April .

Agaasimaha Hay,adda PHA oo shaqada wax ka wada 2Nagala soo xiriir : Puntlandpost.pp@gmail.com

Puntlandpost.com
Garoowe.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>