May waa maalinta loo aqoonsadey maalinta shaqaalaha Adduunka oo ay shaqaale badan oo ka shaqeeya goobo kala duwan ay ku helaan fasaxyo .
Xuska maalintan oo laga qabto meelo badan oo ka mid ah caalamka ayaa haddana wadanka Somalia qeybo ka tirsan laga xusaa iyadoo Madaxda Hay,addaha, Shirkadaha iyo Maamuladu fasax siiyaan shaqaalaha u shaqeeya, inkastoo aan la wada oran karin maalintani si rasmiya ayaa shaqaalaha Somalia ka howl-gala uu u dareemaa fasax uu ka siman yahay.
Goobaha maamulada wadanka ka jirra shaqaalaha ka howl-gala ayaa sida laga tilmaami karro maalintan oo kale Somalia fasax ka hela, walow aan la hubin in si la mid ah shaqaalaha u shaqeeya shirkadaha ay fasaxan u bixiyaan iyo in kale, haddana waxaa jira warar tilmaamaya in goobaha ganacsiga gaarka loo leeyahay maalintan aanan ku baraarugsaneyn fasax-siinta shaqaalahooda.
Munaasabadan oo ku beegan maanta oo ay taariikhda bishu tahay 1 bisha 5 aad ayaa masuuliyiin ka tirsan Madaxda Somalida ay qoraalo kasoo saareen xafiisyadooda islamarkaana hambalyo maalintan ku aadan ugu direen dhamaan shaqaalaha dunida gaar ahaan kuwa Somalia.
Dowlada Federaalka.
Ra,iisal wasaaraha Somalia Cabdi Faarax Siciid (Shirdoon) oo xalay xafiiskiisa kasoo saarey warsaxaafadeed ayaa hambalyo iyo bogaadin ugu direy shaqaalaha Somaliyeed oo uu sheegey inay laf dhabar u yihiin howlaha adag ee ka soconaya Somalia.
Mudane Saacid waxa uu intaas ku darey in Xukuumadiisu ku dadaali doonto xuquuqda shaqaalaha oo aan marar badan helin xaqooda sababo la xiriira duruufaha Somalia ka jirra.
Puntland iyo Maalintan.
Dowlada Puntland Maalintan waxay horey ugu dartey 9-ka maalmood ee Puntland u aqoonsatey maalmaha fasaxa Puntland, taasi oo ay ahmiyad ku siinayso maalintan in shaqaalaha ka howl-gala xafiisyadeeda iyo goobaha kale ay helaan fasax qeyb ka noqda fasax-yada kale ee Shaqaalaha Dunida.
Xuska maalintan ayaa Puntland sanad walba lagu qabtaa iyadoo ay soo Agaasinto Wasaarada Shaqada ,Shaqaalaha ,Dhalinyarada iyo Sportiga, balse waxa moodaa sanadkan in uu ka bedelan yahay sanadadii horre maxaa yeelay wali ma jirto war ku saabsan maalintan oo kasoo baxay dhanka Wasaarada iyo Masuuliyiinta Dowlada Puntland .
Xaaladda Shaqaalaha Somalia.
Inta badan maalintan waxaa looga faa,iideystaa in lagu baraarugo dhibaatooyinka waaweyn ee haysta shaqaalaha Dunida, sida hababka shaqaaleysiinta,kuwa ku saleysan hab qabyaaladeedka,Afkaaro diimeedka, kala sooca lab iyo dhediga iyo takooro kale oo kasoo horjeeda xeerka Shaqaalaha Rayidka.
Dunida ma jirto xeer xadidaya mushahaarka ugu hooseeya ee lagu shaqaaleysiin karro saacadiiba, sidaas darteed waxaa jirta meelo badan oo ka mid ah dunida in loo shaqeeyaashu ay bixiyaan mushahaaro aad u liita oo aanan u dhigmin shaqada ay qabtaan shaqaaluhu.
Warbixin kasoo baxdey Urur ka shaqeeya Arimaha Xuququl Insaanka oo xafiisyo ku leh Somaliland ayaa dhaliil dhusha uga tuurey in dhibka ugu badan shaqaalaha Somalia uu kasoo gaaro shirkadaha iyo Ganacsatada oo ka faa,iideysanaya kormeer la,aanta iyo la xisaabtan la,aanta ay caado ka dhigteen inay ku tuntaan xuquuqda shaqaalaha.
Shaqaalaha qeybtood ayaa shaqeeya in ka badan 8 saacadood ee xeerka shaqalaha Rayidku dhigey , islamarkaana aan la siin lacago dheeriya (Overtime Payment) sida uu warbixintiisa ku sheegey ururkaasi ka jirra Somaliland.
Warbixinta ururka ayaa sidoo kale looga hadley in uu wel wel weyn ka jirro xaga caruurta yar yar ee la shaqaaleysiisto , midaas oo kasoo horjeeda xeerka shaqaalaha, sidoo kale warbixintu waxay ka hadashey haweenka oo ay sheegtey in aan la siin xuquuqdooda shaqo ee ay ka mid yihiin fasaxa dhalmada iyo fasaxa naasnuujinta.
Warbixinta kasoo baxdey Xafiiska Ururkaasi ayaa lagu sheegey inay ka jirto Somalia dulmi xaga shaqada oo loo geysto shaqaalaha Ajnabiga ah, gaar ahaan Ethiopian-ka oo ku shaqeeya mushahaar ka hooseeya kan muwaadiniinta.
Isku soo wada duuboo maalintan ayaa ah mid lagu soo bandhigo warbixino kala duwan oo ka xog waramaya xaalada shaqalaha wadan walba, balse nasiib daro wadanka Somalia kama ay jirto warbixino rasmiya oo kasoo baxa, lagaga-na hadlo marxalada shaqaalaha Somalia.
Nagala soo xiriir : Puntlandpost.pp@gmail.com
Puntlandpost.com
Garoowe.