Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Jaamacadda Bariga Africa Garowe oo Imtixaan ka qaaday 64-qof oo u tartamaya shaqooyin banaan

$
0
0

GAROWE(Puntland Post) Galida imtixaankan loogu tartamayo 9-ka boos ee ka banaan Wasaaradda Arimaha Gudaha Puntland waxaa soo dalbaday 588 Dhalinyaro oo Rag iyo Dumar isugu jira waxaana ugu dambayn Imtixaanka u Xaadiray 64 qof iyadoo inta kalana ay buuxin waayeen shuruudihi la hor dhigay.

Agaasimaha waaxda barakacayaasha ee wasaarada arrimaha gudaha Puntland Beexaani iyo gudoomiye ku xigeenka jaamaca qaybta Garowe Cabdiraxman Ibrahim ayaa wada jir u sheegay in ujeedka ugu wayn ee Imtixaanka loo faafiyey ay tahay in ay ka faa’iideystaan cid kasta oo dalka wax usoo baratay si cadaalad ahna loogu qaban doono.

Masuuliyiinta wasraadda arrimaha gudaha ayaa sheegay inaysan wax shaqo ku lahayn kala saarida dhalinyaradan Imtixaanka u fariistay balse hawshaas Jaamacadda Bariga Afrika loo daayey maadaama ay hawlahan taqasusaad u leedahay horayna ay uga soo shaqeysay.

Inkastoo wali fursadaha shaqo ay yaryihiin ayaa tani waxay muujinaysaa in dhalinyaradu ku dhiiradaan ka qayb galka Imtixaanaadka loogu tartamayo Jagooyinka banaan si ay u yaraadaan shaqooyinka laysku geeyo garabeysiga ayna sahlanaato in dhalinyaradu ku kalsoonaadaan shaqooyinka Dalka oo aysan qurmaha u tahriibin.
DSC00530

DSC00531

DSC00532

DSC00533

DSC00534

DSC00537

DSC00538

DSC00542

DSC00545

DSC00550

DSC00553

DSC00554

DSC00558

DSC00559

DSC00560

DSC00561

DSC00563
PUNTLAND POST

The post Jaamacadda Bariga Africa Garowe oo Imtixaan ka qaaday 64-qof oo u tartamaya shaqooyin banaan appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles