Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Madaxweynaha Dawladda Puntland iyo Danjiraha Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya oo Daah-furay Mashruuca Aqoontu Waa Iftiin

$
0
0

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 15 Feb, 2016 Qasriga Madaxtooyada Dawladda Puntland ee Garoowe kulan kula qaatay Danjiraha midowga yurub u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Danjire Michele Cervone  iyo saraakiil uu hoggaaminayey  oo ka socotey midowga yurub.

Madaxweynaha Dawladda Puntland iyo Danjiraha midowga yurub ayaa kawada hadlay arrimo badan oo ay kamid ahaayeen la dagaallanka argagixisada, dhismaha jidka isku xira Garoowe iyo Gaalkacyo iyo Barnaamijka axsaabta badan oo lafilyo inay Puntland ugubto dhowaan, banaamijkaas dimuqraadiyada oo  Puntland uga baahantahay beesha caalamka inay taageero buuxda ka siiyaan.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali  Gaas iyo Danjire Michele Cervone  ayaa  sidoo kale waxay si wada jir ah xadhigga uga jareen dhisme cusub oo uu midowga yurub kusoo kordhiyey Dugsiga sare ee Al-waaxa ee Magaalada Gaoowe, dhismahaas oo wax badan ku soo kordhiyey waxbarashadii dugsigaasi.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa intaasi kadib waxa uu Munaasib lagu daah-furayey Wejiga labaad ee ee Mashruuc loogu magac daray Waxbarashadu waa Iftiin, isla markaasina lagu soo xidhayey wejigii koobaad ee isla-mashruucaasi kaga qayb galay Xarunta Cilmi baarista iyo Horumarinta Puntland ee PDRC.

Munaasibadda ayaa waxaa sidoo kale ka soo qayb galay  Wasiiro, Xildhibaano, Danjiraha midowga yurub u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Michele Cervone, Saraakiil ka socota Hay’adaha Puntland kala shaqeeya arrimaha wax-barashada, saraakiil kasocoto Madaxtooyada Dawladda Puntland iyo dadweyne kale.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Danjire Michele Cervone  ayaa markii la soo afmeeray munaasabadaasi  shirjaraa’id ku qabtay xarunta Cilmi baarista iyo Horumarinta ee PDRC, waxana ay kaga warbixiyeen Mashcuura Aqoontu waa Iftiin oo midowga yurub uu ka caawiyo Puntland.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa sheegay in Barnaamijkan maanta la daah furay uu yahay mid u gaar ah Puntland oo keliya maadaama ay wasaaradda waxbarashada Puntland noqotay mid kudayasho mudan isla markaana ay ka shidaal qaataan Hay’adaha kale ee waxbarahsada Soomaaliya.

Maadaama ay wasaaradda waxbarashada Puntland ay noqotay mid kudayasho mudan isla markaana ay ka shidaal qaataan Hay’adaha waxbarahsada kale ee Soomaaliya.

“Barnaamijkani waxa uu socon doonaa muddo saddex sanno ah, waxaana lagu dhisayaa ilaa 70 Iskuul, welibana 145 fasal oo kale lagu biirin doono waxbarashada Puntland, barnaamijkaasi waxa uu gaar u yahay Puntland, wasaaradda waxbarashada Puntland-na waxay noqotay mid lagu faani karo, ayna ka shidaal qaataan waxbarashada kale e Soomaaliya”ayuu yiri Madaxweyne Dr.Cabdiweli Maxamed Cali.

Ambassador Michele Cervone   ayaa isaguna geestiisa sheegay Puntland in ay Dawladda Puntland ku guulaystey hirgelinta nidaam waxbarasho oo tayo leh kaas oo noqday mid  Soomaaliya inteeda kale in ay kaga dayan doonaan Puntland, midowga yurubna uu sii xoojinayo taageerada ay la garab taagan yihiin Puntland ee dhinaca waxbarashada ah.

Danjiraha ayaa sidoo kale xusay in ay Puntland ka caawin doonaan Barnaamijka dimuqraadiyaynta kaasoo hore ay uga caawin jireen Puntland , iyo dhismaha kaabayaasha dhaqaalah oo ay ugu horayso Waddada isku xidha magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacyo.

 

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

 

Halkaan ka dhegeyso Codka Madaxweynaha

Halkaan ka dhegeyso Codka Danjiraha

IMG_0205 IMG_0207 IMG_0214 IMG_0221 IMG_0223 IMG_0230 IMG_0237 IMG_0239 IMG_0253 IMG_0257 IMG_0263 IMG_0268 IMG_0272 IMG_0274 IMG_0286 IMG_0289 IMG_0320 IMG_0324 IMG_0332 IMG_0334 IMG_0343 IMG_0354 IMG_0363 IMG_0367 IMG_0381 IMG_0390 IMG_0393 IMG_0394 IMG_0404 IMG_0410 IMG_0432 IMG_0446 IMG_0459 IMG_0467 IMG_0468 IMG_0470 IMG_0473 IMG_0483 IMG_0494 IMG_0499 IMG_0508 IMG_0509 IMG_0511 IMG_0525 IMG_0529 IMG_0532 IMG_0539 IMG_0556 IMG_0568 IMG_0571 IMG_0576 IMG_0580 IMG_0586 IMG_0625 IMG_0628 IMG_0640 IMG_0664 IMG_0674 IMG_0682 IMG_0698 IMG_0717 IMG_0725 IMG_0741 IMG_0751 IMG_0762 IMG_0775 IMG_0791 IMG_0821 IMG_0839 IMG_0859 IMG_0888

The post Madaxweynaha Dawladda Puntland iyo Danjiraha Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya oo Daah-furay Mashruuca Aqoontu Waa Iftiin appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>