Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Madaxweyne Gaas oo Saaka u duulaya dalka Ethiopia

$
0
0

Garowe-(Puntland Post)-Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo wafti uu hogaaminayo ayaa saaka u duulaya dalka Ethiopia,waxaana la ogayn arinta rasmi ah oo Ethiopia u tagayaan.

Dalka Ethiopia ayaa isagu inta badan ku dhexjira Siyaasada Soomaaliya,waxaanaa socdaalka Madaxweyne Gaas kusoo aadayaa iyagoo maalmo ka hor Garowe ku soo dhamaadeen kulamo natiijo la’aana  oo u dhaxeeyey ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya,xubno la socday iyo Madaxda Puntland,Siyaasiyiinta,Isimada iyo bulshada ra’yidka,oo ku adanaa in Puntland ogolaato nidaamka 4.5ka oo laga diidan yahay Puntland.

Sidoo kale safarka Gaas ayaa kusoo aaday xili waraysi uu bixiyey uu ku sheegay in Puntland sadex arimood midkood u taal inay gor gortan ka gasho nimdaamka 4.5ka,in ay diido go’aankaas gabi ahaanba iyo inay ka go’do Soomaalida oo iyagu tashadaan.

Madaxweyne Gaas ayaa la filayaa inuu Ethiopia kula kulmi doono madaxda dalkaasi oo arimo badan oo quseeya labada dal kawada hadli doonaan,hadii ay kawada hadlaan arinta 4.5ka waxaan la ogayn go’aanka kasoo bixi doona.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Gaas oo Saaka u duulaya dalka Ethiopia appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>