Garowe-(Puntland Post)-Waxaa shalay galinkii dambe gaaray gobolka Garda’fuu wafti isugu jira Isimo,Culimaa’udiin iyo Siyaasiyiin oo ka tagay Garowe iyo Bosaso kuwaas oo ukuur galayey xaalada gobolka oo waayadan laga soo dayrinayey.
Gudoomiyaha gobolka Garda’fu oo la hadlay Radio Garowe ayaa sheegay in waftiga lagu soo dhaweeyey dagmada Baargaal ee gobolka, islamarkaana ay tagi doonaan deegaanada kale ,waxaa uu tilmaamay inay ka kooban yhiin guddigu Isimo ay kamid yihiin Beeldaaje Yaasiin,Islaan Ciise Islaan Maxamed,Suldaan Cabdulaahi Jeeni cad iyo Isimo kale.
Waftiga waxaa sidoo kale ku jira wasiir ku xigeenkii arimaha gudaha dowladda fadaraalka xukuumadii Cabdiwali Shiikh Axmed,Cabdiraxmaan Maxamed Bangax iyo gudoomiyihii hore ee gobolka Mudug Maxamed Yuusf Jaamac.
Guddiga ayaa gobolka u tagay inay eegaan xaalada adag ee gobolka laga soo sheegayo,waxaana uu sheegay gudoomiyaha gobolka Garda’fu in guddigu ay iyagu iskood isku soo abaabuleen.
Gobolka Garda’fu waxaa bilihii dambe laga soo sheegayey xaalad adag oo ay ugu horayso abaar iyo duufaano isxig xigay oo gobolka ka dhacay,waxayna marar badan dadka ku nool kasoo yeertay qaylo dhaan u aadan in la caawiyo.
Halkan ka Dhagayso Codka.
PUNTLAND POST.
The post Wafti ay hogaaminayaan qaar ka mid ah Isimada Puntland oo gaaray gobolka Garda’fu appeared first on Puntland Post.