Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

SHACABKA MAGALADA BOSAASO OO LAGA WACYI GALIYAY XALUFINTA DEGANKA

$
0
0

degan-13

BOSASO- (Puntland Post) Waxaa magaalada Bosaso lagu qabtay kulan wacyi gelin ah oo  saabsanaa deegaanka sii xumaanaya & biyo‐La’aanta dalkeenna, waxaa si wadajir ah u qabtay hay’adda maxaliga ah ee Deegaan Relief and Development Orgnization (DRDO) iyo wasaaradda deegaanka iyo duurjoogta dowladda Puntland .

Kulankaasi weci‐gellinta ah ayaa ka dhacay hotel Gacayte ee magaalada Bosaso, iyadoo ay maal galisay hay’adda Adeso.

Waxaa  diirdda lagu saarayey kulanka muhiimadda deegaanka iyo waxtarkiisa iyo dhibaatooyinka arxan daradda leh ee lagu hayo sida dhibaatooyinka dadku keenaan ((Man‐made Environmental Problem) ee heytsta deegaanka & kuwa dabiiciga ah (Natural Environmental Problems) iyo sidoo kale qiimaha dhirta iyo saameynta  xaalufka , saameynta xun ee jaridda dhirta & qashinka sunta ah ee ka soo hara warshadaha oo lagu soo daadiyo xeebaha Soomaaliya iyo Afrika.

Waxaa ka soo qeyb galay madax ka socotay wasaaradda deegaanka iyo hay’adda DRDO, dhalinyaro, maamulka gobalka Bari, haween, garsoorayaal, abwaano, mas’uuliyiin ka socotay waaradda haweenka, waalidiin, aqoonyahano, siyaasiyiin, isimo, ganacsato, culimo’udiin iyo marti sharaf kale oo aad uu badan.

Ugu horeyn waxaa ka hadlay goobta oo faa-faahin dheer ka bixiyey kulanka Isxaaq Maxmuud Muuse oo ka socday hay’adda DRDO waxa uuna sheegay in barnaamijkan la gayn doono dhammaan gobalada dalka.

Awaan Cabdulqaadir Cabdi shube oo halkaas ku amanay masuliyintii ka socday y hay’adda maxaliga ah ee Deegaan Relief and Development Orgnization (DRDO) ayaa amaan u jediyay wuxuna ku boriyay in ay markasta siwadaan tababaradaa nocaan ah oo shacabka lagu wacyi galinayo deganka .

Gudoomiye ku xigeenka gobolka Bari Axmed Cabdullaahi Ciiro oo isna ka hadlay kulanka ayaa
ku booriyay bulshada in ay isku tashato ,si wadajir ahna u ilaashato deegaankeeda hooyo.

Maxamad Xasan Saleeman oo ah madaxa shirkadda caymiska takaaful of Africa ee Puntland-Somalia ayaa ugu dambeen ka hadlay madasha, waxa uuna sheegay in loo baahan yahay ilaalinta deeeganka lagana hortaga xaalufka loo geysanyo dhirta.

SAWIRO 

AWAARE 8 degan-4 degan-5 degan-6 degan-7 degan-9 degan-10 degan-11 degan-12 degan-13 degan-14 degan-15 degan-16 degan-17 degan-18 degan-19 deganka 1 deganka 2 deganka 3 deganka 4 deganka

The post SHACABKA MAGALADA BOSAASO OO LAGA WACYI GALIYAY XALUFINTA DEGANKA appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>