BAARGAAL-(Puntland Post) Islaan Ciise Islaan Maxamed Islaan Muuse oo ka mid ah isimadda Soomaaliyeed ee Puntland ayaa maanta sheegay inuu boqol Malyan oo shillinka Soomaaliga ah ugu deeqay dhismaha waddada mucjisada ah ee Lafa-goray, ka dib markii isaga iyo wafdiga uu hoggaaminayo oo ka tagay gobalka Nugaal ay soo arkeen xaalada gobalka Gardafuu iyo baahiyaha taagan.
Islaan Ciise ayaa dhaqaalahan ku wareejiyay guddiga u xilsaaran dhaqaalaha aruurinta, waxa kale uu balan qaaday inuu ka qayb qaadanayo dhamaystirka waddada oo ay saamayn ku yeesheen duufaanadii gobalka dhamaadka sanadkii hore ku dhuftay.
Sidoo kale lacag gaaraysa afartan kun ayay Isimadda iyo dadkii kale ee gobalka tegay ugu deeqeen waddada, gudoomiyihii hore ee Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac Tigey ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay dhexda u xirtaan sidii dib u dhiska dalka looga shaqayn lahaa.
Goor dhow waxaan idin soo gud bin doonnaa war bixin faah faahsan iyo sawirro ka hadlaya xarig jarka wadda oo maanta la sameeyay.
PUNTLAND POST
The post Islaan Ciise oo dhaqaale ugu deeqay dhismaha waddada Lafa-goray ee Gardufuu appeared first on Puntland Post.