Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Warbixin+Sawirro:Madaxweynaha Dawladda Puntland oo kulamo muhim ah la qaatay Madax sare oo ka tirsan Dawladda Itoobiya

$
0
0

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ay wehelinayaan Wasiirka Ganacsiga Dawladda Puntland Cabdiweli Xirsi Cabdulle iyo Wakiilka Puntland ee Itoobiya Mahad Faaraax Gaas oo ku sugan magaalada Addis Ababa ayaa maanta 17-Feb-2016 kula la qaatay Wasiirka Kastamka iyo Cashuuraha Dawladda Federaalka  Itoobiya, Madaxa Tamarta iyo Korontada Azeb Asnake iyo Taliyaha guud ee ciidanka Dawladda Federaalka Itoobiya General Getachew Assefa.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Masuuliyiintii ay kulanka wada qaateen ayaa kulankooda intiisa badan waxay uga wada hadleen sidii loo xoojin lahaa xiriirka  ganacsiga ee Puntland iyo Itoobiya iyo sidii Puntland ay uga faa’iideysan lahayd tamarta iyo koronta uu hodonka ka yahay Waddanka Itoobiya.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa sidoo kale kala hadlay Masuuliyiintaasi sidii loo furi lahaa Kastamka u dhexeeya Puntland iyo Itoobiya ee Tuurdibi, isla markaana u sheegay in Puntland ay dhineceeda soo dhammaystirtay dhammaan baahiyihii Kastamkaasi maadaama ay dhistay Saldhiggii Police-ka ee Kastamka, Bangigii,hoolashii kaydadka ganacsiga  lagu kala wareejin lahaa iyo Xarunta Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee Puntland.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa sidoo kale u sheegay Mas’uuliyiintii uu kulanka la qaatay in Dawladda Puntland ay soo dhistay Waddada u dhexaysa magaalada Gaalkacyo ilaa Tuurdibi, isla markaana  Dawladda Itoobiya u sheegay  in looga baahan yahay in ay dardar geliso dhineceeda si’ay u sahlanaato isu socodka ganacsiga u kala gooshi doona Puntland iyo Itoobiya.

Dhinaca kale wasiirka Kastamka Itoobiya ayaa sheegay in ay dhowaan kormeer ku tegi doonaan  Puntland Wasaaradda Kastamka, Wasaaradda Ganacsiga, Wasaaradda Gaadiidka, Police-ka  iyo Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dawladda Federaalka Itoobiya  isla markaasina sugayaan Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo diyaarinaysa nidaamkii ay waftigani Puntland ugu amba-bixi lahaayeen.

Sidoo kale Taliya guud ee ciidanka Police-ka Dawladda Federaalka Itoobiya General Getachew Assefa. ayaa kulanka kasheegay in Puntland iyo Itoobiya ay leeyihiin xiriir dhow oo dhinaca iskaashiga nabadgelyada ah, isagoona xusay in uu dhowaan kula kulmay Taliyaha guud ee Ciidanka Police-ka Puntland Generaal Cabdirisaaq Afguduud magaalada Addis Ababa ee Caasimadda Itoobiya isla markaana ay isla meel dhigeen in ay is dhaafsandoonaan  xogaha ku saabsan kooxaha nabad diidka iyo la dagaallanka argagixisada, wadashaqayn dhowna ay wada yeelan doonaan.

Ugu dambayntii Madaxweynaha Dawladda Puntland iyo Masuuliyiintii ka socdey Dawladda Itoobiya ayaa waxay isla Qaateen in la suubiyo siyaasad cad oo u dhexaysa Puntland iyo Itoobiya, taas oo qeexaysa sidii ay ugu wada shaqayn lahaayeen Puntland iyo Itoobiya dhinacyada Ganacsiga, sugidda  nabadgelyada iyo Laamaha Socdaalka ee labada dhinac.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

2aa7aedb-77fe-423d-92ec-be8b26b50d26 942f0de2-035a-4a44-b8e8-5488aff36c5c b5ff108c-67d4-40af-892f-a249c34f9e4d c728a8cb-efda-4cb9-b200-752602a94e52 d3a2a7e2-41ab-4d1e-868d-a2791de96f88

The post Warbixin+Sawirro:Madaxweynaha Dawladda Puntland oo kulamo muhim ah la qaatay Madax sare oo ka tirsan Dawladda Itoobiya appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>