Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Madaxweynaha Dawladda Puntland iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya oo kawada hadlay Geedi-socodka Doorashooyinka 2016-ka

$
0
0

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas  oo maalinii labaad kusugan magaalada Addis Ababa ee  Caasimadda Waddanka Itoobiya ayaa Caawa 17-Feb-2016 waxaa casho sharaf u sameeyey Wasiirka Arrimaha Dibadda Dalka Itoobiya Dr.Tedros Adhanom.

Kulanka casho sharafta ayaa sidoo kale waxaa kasoo qayb galay Danjiraha Itoobiya ee Soomaaliya iyo Wakiilka Itoobiya u qaabilsan urur goboleedka IGAD, waxaana uu kulankaniahaa mid lagu soo dhoweynayo Madaxweynaha Dawladda Puntland isla markaana lagu lafa gurayo guud ahaanba arrimaha Soomaaliya.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyoWasiirka Arrimaha Dibadda ee Itoobiya Dr.Tedros  kulankoda  casha sharafta kasoo qayb galay ayaa waxay kawada hadleen guud ahaan arrimaha Siyaasadda ee Soomaaliya gaar ahaan geeddi-socodka doorashooyinka 2016-ka iyo mawqifkii Dawladda  Puntland ay ka qaadatay go’aankii ay gaadhey Dawladda Federaalka Soomaaliya beesha Caalamkuna ay soo dhoweysey.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas   oo uga mahadceliyey  Wasiirka Arrimaha Dibadda Dawladda  Itoobiya Dr.Tedros casho sharafta uu u sameeyey ayaa dhinaca kale  sheegay   Puntland in aanay marnaba aqbalayn in dalka dib loogu celiyo nidaamkii awood qaybsiga qabiilka ee 4.5 kaas oo dawladda federaalku go’aamisey  in marlabaad dalka dib loogu celiyo.

Sidoo kale Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya u sheegay in todobaadkii lasoo dhaafay ay Puntland soo gaadheen wafti ballaadhan oo ka socda beesha caalamka kuwaas oo uu hoggaaminayo wakiilka xog hayaha guud ee qarama midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Danjire Michael Keating  kana mid ahaayeen Danjirayaasha Maraykanka, Ingiriiska, Talyaaniga, Iswiidhan, midowga yurub iiyo midowga Afrika kuwaas oo kulamo  kala duwan laqaatay Dawladda, Baarlamaanka, bulshada rayidka ah, Isimada iyo siyaasiyiinta isla markaana ay indhohooda ku soo arkeen dareenka shacabk Puntland.

Casho sharafta uu Wasiirka arrimaha Dibadda  Dawladda Federaalka Itoobiya Dr. Tedros Adhanom u sameeyey Madaxweynaha Dawladda Puntand Dr.Cabdiweli Maxamed Cali gaas ayaa waxay kusoo gebagebowdey  jawi deggan oo meeqaam heersare ah leh.

 

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

2e2d127a-b6ff-4e3e-a1de-ed5a8b527202 8ec39d01-a866-4d53-839a-e5a437c3d9de 511d2db2-df5c-4e2a-8193-da9ca60cdec3 e5dc831e-851c-4e04-8de5-1ddfe601dbd7

The post Madaxweynaha Dawladda Puntland iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya oo kawada hadlay Geedi-socodka Doorashooyinka 2016-ka appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>