Garowe-(Puntland Post)- degmada Godob-jiiraan ee gobolka Nugaal waxaa markii ugu horaysay laga dhisayaa Maxkamad,sidoo kale waxaa degmada ka socda dhisme Saldhig ciidan.
Godob jiiraan oo ku jirta degmooyinka loo yaqaan C-da ayey mashaariic ay ka socdeen bilihii ay nu soo dhaafnay,xiligaas oo maamulka ka jiray uu ahaa KMG,inkastoo hada dib loo soo doortay gudoomiyihii kumeel gaarka u ahayey.
Dhismayaasha ayuu sheegay gudoomiyaha degmada Godob-jiiraan Yuusuf Maxamed (Geesa-weyne) in dowladdu ay gacan ku siinayso,isagoo xusay in shacabka reer Godob-jiiraan hada u wada istaageen sidii hormarka looga wada shaqayn lahaa.
Dhanka kale waxaa isna dhawaan la furay oo hada shaqeeya Kantaroolka,walow aysan markii hore degmadu lahayn,waxaana hada jooga Askar loogu talo galay in ay ka shaqeeyaan.
Mashaariicdan ayaa ah kuwii ugu horeeyey ee uu fuliyo gudoomiyaha degmada Godob-jiiraan intii xilka loo doortay, oo dhawaan ahayd,wuxuuse horay ufuliyey mashaariic dhowra, xiligaas oo uu ahaa gudoomiye KMG ah.
PUNTLAND POST
The post degmada godob jiiraan oo ka socdan dhismayaal Maxkamad iyo Saldhig ciidan appeared first on Puntland Post.