Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Tababar ku saabsan tayaynta Hay’adaha Dowliga ah ee Dowladda Puntland oo soo idlaaday.

$
0
0

Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya ayaa  waxaa ku soo idlaaday tababar Bangiga adduunku u qabtay Shaqaalaha mashruuca tayaynta shaqalaha Dowladda Puntland ee Xafiiska Madexweynaha iyo Guddiga sare ee Hay’ada Shaqallaha Rayid ah ee Dowladda Puntland.

Tababarkan oo loogu magac daray One-on One Orientation and Training Workshop ayaa wuxuu mudo hal asbuuc ah ka socday xarunta Bangiga aduunka ee Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaana si wada jir ah u bixinayay Khuburo ka socotay  Bangiga Aduunka.

Tababarka ayaa ku saabsanaa sidii loo dar-dar gelin lahaa shaqada mashruuca Tayaynta iyo Shaqalaysiinta ee uu Bangiga Aduunku maalgeliyo Dowladda Puntland-na ay fulinayso.

Mudadii uu tababarku socday ayaa shaqallaha mashruuca Tayaynta iyo Shaqalaysiinta  iyo guddiga Hay’adda shaqaalaha rayidka ah soo bandhigeen wixii u qabsoomay saddexdii bilood oo la soo dhaafay, caqabadaha jira iyo qorshayaasha saddexda bilood ee soo socota.

Agasimaha Guud ee Madextooyada Dawladda Puntland iyo Guddoomiyaha Shaqalaha rayid ah ayaa Bangiga Aduunka sii yeey warbixin dheer oo ku saabsan sida Dowladda Puntland ay ugu heelan tahay in uu mashruucani miro dhalo Dowladduna uga faa’iidaynayso shaqaleheeda.

 

Mashruucan ayaa soconaya muddo shan sano, waxana uu ka mid yahay balanqaadyadii uu Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas u balan qaaday shabackiisa.

Wafuuda tababarku u socdey ayaa waxa hoggaminayey Agaasimaha Guud ee  Madextooyada Dawladda Puntland Mudane Deeq Suleymaan yuusuf.

Bangiga aduunka ayaa ku aamanay Dowladda Puntland sida habsami u socodka leh ee uu mashruucu u socdo iyo guulihii la gaaray sadexdii bilood ee la soo dhaafay, waxana ay sheegeen in mashruucani mirro dhalidoono.

Ugu danbayntii, tababarka ayaa ku soo idlaaday jawi deggan, waxaana ay wufuudu sheegeen in uu ahaa tababar ay wax badan ka faa’iideen, taas oo u fududayn-doonta in ay u gutaan shaqadooda si habsami leh.

 

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND

20160215_112545 20160215_112557 20160215_123940 20160217_131153 20160217_131202 20160217_131222 20160217_131306 20160218_104215 20160218_104805 20160219_111147 20160219_111634 20160219_121140 20160219_121331

The post Tababar ku saabsan tayaynta Hay’adaha Dowliga ah ee Dowladda Puntland oo soo idlaaday. appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>