Kismaayo-(Puntland Post)- Ciidamada Amaanka Jubbaland ayaa warbaahinta uso bandhigay Askari lagu sheegay inuu qarax ku xiray asbuucii aynu soo dhaafnay gaariga wasiirka arimaha gudaha iyo amniga Jubbaland.
Askariga ayaa ka tirsan ciidamada amaanka Jubbaland siday sheegeen saraakiisha amaanku,wuxuu isna warbaahinta ka hor qirtay inuu gaariga wasiirka ku xiray qaraxa,balse uu udhiibay ruux kale,waxaa uuna tilmaamay in lacag badan loo balan qaaday.
Sarakiisha amaanka ayaa dhankooda sheegay inay ku raad joogaan dad kale oo lagu tuhunsan yahay inay ku lug lahaayeen qaraxa gaariga wasiirka lagu xiray.
Todobaadkii aynu soo dhaafnay ayey ahayd markii Gaariga wasiirka arimaha gudaha iyo amniga ee Jubbaland General Maxamed Faarax Darwiish qarax loogu xiray gaarigiisa,wuxuuna qarxay inta uusan wasiirku raacin.
PUNTLAND POST
The post Jubbaland oo soo bandhigtay Askari lagu eedeeyey qarax lagu xiray gaariga wasiir Darwiish appeared first on Puntland Post.