Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Madaxweynaha Dawladda Puntland oo kormeero ku sameeyey shirkada dhismayaasha Kabaayaasha dhaqaalaha ee Dalka Itoobiya

$
0
0

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo uu weheliyo Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Dawladda Puntland Cabdiweli Xirsi Cabdulle oo magaalada Addis Ababa u jooga hawlo shaqo ayaa booqasho indha-indhayn ah ku tegey Shirkadaha ku midoobey dhammaan qalabka Birta culus oo lagu magcaabo TEKLEBERHAN AMBAYE CONSTRUCTION PLC (TAF) oo ka hawl-gala  waddamo badan oo Afrika ku yaalla.

Madaxweynaha ayaa waxaa uu u kuurgal rasmi ah ku samaynayey qaabka ay u shaqeeyaan shirkadahaasi iyo waxyaabaha ay dalkaasi Itoobiyo ku soo kordhiyeen maadaama ay shaqadoodu tahay dhismayaasha Garoomada Diyaaraha, Jidadka, Dekedaha iyo Guryaha oo dhammaantood ay u dhisayaan qaab casri ah oo caalami ah.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa markii uu soo dhameeyey kormeerkiisii indha-indhaynta ahaa ee uu ku marayey xarumaha shiradahan waxaa uu xfiiskiisa kulan kula qaatay  Maamulaha Shirkadahan ku midoobey (TAF)  oo lagu magcaabo SEIFU AMBAYE  si uu wax uga ogaado qaababka kala duwan ee ay  u shaqeeyaan.

Madaxweynaha Dawladda Puntland oo ka duulaya  ballan-qaadkiisii ahaa in uu beddeli doono wejiga kaabayaasha dhaqaalaha ee Puntland ayaa sidoo kale maamulaha Shirkadaha ku midoobey (TAF)  Mr. SEIFU AMBAYE waxaa uu ka-xog  waraystay qaabka ugu suurta galsan ee shirkadahaasi ay Puntland uga hawl geli karaan iyagoo maal-gashiyo ka samaysanaya isla markaana Dawladda Puntland kala shaqaynaya dar-dargelinta dhismaha  kaabayaasha dhaqaalaha.

Ugu dambayntii, Madaxweynaha Dawladda Puntlan Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa usoo jeediyey Maamulaha shirkadaha ku midoobey (TAF) In ay Puntland booqasho ku tagaan isla markaana ay indhohooda ku soo arkaana fursadaha ka bannaan iyo nabad-gelyada gaamurtey ee ka hana qaaday Puntland,  taas oo sahlaysa in ay Puntland maalgashan karaan dad Ajaanib ah isla markaana aanay jirin wax wel-wel ah oo laga qabi karo in ay imaan karaan  wax dhibaata ah oo soo gaadhi kara maalgashada yaasha shisheeye.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA,WACYIGELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.
4cbb77d1-534b-4ec2-b1fa-1e2c67672118 35c4925c-ed46-4405-942e-757c2cc32856 963be2ec-d505-4f1f-83ab-e1af0203d1d1 2075ca6d-6371-405d-a867-05956a1edf8b 5397e37f-852c-44e1-abb6-a73f606ac456 a2ca59fc-bfe1-4ccb-8f1d-7ae7c0b95804 ab1ec64d-a405-4fe4-a0f0-a75834a72308 bd1ec37e-8237-4a25-b8a5-32cf9335f60c bfdb8bdb-3304-4ad3-a4e3-45a387cad1b0 c4e31d74-05e1-40bc-916f-fe50fdd6730c ca3bdc34-caef-498d-8dd2-8a2017a89028 da5a2de5-42a6-40f7-af85-c2d053d3688a e528c360-6598-4618-81fa-775578c48b6b f4bf4946-6ee5-482c-b936-07d18b04b398 f08914f3-3a05-4bb9-9894-0afe99da1ff1 fd29ef13-4a48-431d-9f4d-b9cb5d216989 ff75be99-369e-4b24-8d1f-7f32629b7f0b ffda80c8-36e5-44d0-a8d8-a7382e556e8b

The post Madaxweynaha Dawladda Puntland oo kormeero ku sameeyey shirkada dhismayaasha Kabaayaasha dhaqaalaha ee Dalka Itoobiya appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>