GAROWE-(Puntland Post) Hay’adda Khayriga ah ee Tadamun ayaa maanta oo Sabti ah magalada Garowe ku qabatay shirwayne ballaaran oo ay madaxda xaruntan kusoo bandhigayeen waxqabadkoodii sanadkii lasoo dhaafay iyo xuska 24-guuradii kasoo wareegtay markii la aasasay hay’adda.
Munaasibadda oo lagu qabtay hoolka shirarka PDRC waxaa kasoo qayb galay madaxwayne ku xigeenka Puntland, qaar ka mid ah wasaraddaha iyo hay’addaha la shaqeeya Tadamun, waalidiin, iyo marti sharaf kale.
Ugu horayntii Madaxa Hay’adda Tadamun Mudane Cabdiraxmaan Cabdirisaaq Cabdiraxmaan ayaa goobta ka akhriyay khudbad uu ku cadaynayo wixii u qabsoomay sanadkii tagay, wuxuuna tilmaamay inay ka shaqeeyaan arrimaha bulshada sida caafimaadka, waxbarashada, taakuleynta danyarta iyo horumarinta bulshada, waxa uu sheegay inay kaalin muuqata ka gaystaan caawinta danyarta gaar ahaan dadkii kasoo cararay dagaaladii ka dhacay dalka Yaman ee soo dhawaynta loogu sameeyay magalada Bosaso.
”Hay’adda TADAMUN mudaddii la aasasay waxay u shaqaynaysay shacabka Puntland sida biyaha, caafimaadka,waxbarashada iyo arrimaha bulshad 14-ka dib waxaa la gaaray guulo waa weyn”. Cabdiraxmaan.
Suldaan Siciid Maxamed Garaase oo ka mid ahaa Isimaddii kulankan lagu caasumay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay waxqabadka Hay’adda TADAMUN, wuxuna tilmaamay inay wax kasta ka wanaagsan yihiin wax u qabashada haweenka,carruurta iyo deegaanka, Suldaanka ayaa sidoo kale ku ammaanay guulaha ay soo bandhigtey hay’addu, waxa uu sidoo kale ku dheerigaliyay inay sii xoojiyaan ka qayb qaadashada abaaraha.
Madaxwayne ku xigeenka Puntland Cabdixakiin Cabdilaahi Camay oo gabo-gabadii khudbad jeediyay ayaa madaxda Hay’adda TADAMUN ku ammaanay waxqabadkeeda oo uu sheegay inay ku darsatay karti iyo hufnaan, waxa kale uu sheegay inay muhiim tahay in shacabaka loo shaqeeyo, sidoo kale Hay;adda ayuu ku dhiirigaliyay inay sii balaariso deegaanada ay ka shaqeeyaan sida meelaha gaari waaga la yiraahdo.
Ugu danbayntii madaxwayne ku xigeenka ayaa shihaadooyin dhiiri galin ah gudoon siiyay hay’addaha iyo wasaradaha sida dhow TADAMUN ula shaqeeya, waxana shihaadooyinkaasi soo diyaariyay isla xaruntan.
PUNTLNAD POST
The post Hay’adda TADAMUN oo soo bandhigtay waxqabadkeedii 2015 appeared first on Puntland Post.