Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Suldaan Siciid Maxamed Garaase oo shacabka ugu baaqay in laga qayb galo gurmadka abaaraha

$
0
0

IMG_4269GAROWE-(Puntland Post) Suldaan Siciid Maxamed Garaase oo ka mid ah Isimadda Puntland ayaa shacabka ugu baaqay inay kaalintooda muujiyeen gurmadka loogu jiro 78-da goobeed ee abaaraha iyo biyo la’aanta ka jirto.

Hadalkan ayuu Garaase ka sheegay kulan Hay’adda TADAMUN kusoo bandhigaysay waxay qabatay sanadkii lasoo dhaafay, wuxuna Suldaanku tilmaamay in qoysaska abaaruhu saameeyeen ay gurmad deg deg ah nooga baahan yihiin, shacabka iyo dadka hantida haysta ayuu sheegay in hadda looga fadhiyo dowrkooda ku aadan bad baadinta qoysaska tabaalaysan.

Guddiga gurmadka abaaraha ee uu madaxda u yahay madaxwayne ku xigeenka Puntland Cabdixakiin Camay ayaa weli ku howlan qaylo dhaanta qoysaska lagu bad baadinayo maadama xaaladooda haddii ay sidaa kusii socota is-badali karto.

Sanaag,Sool, Gardufuu iyo Bari ayaa ka mid ah meelaha laga soo sheegayo abaaraha daran, sidoo kale waxaa jira deegaano ay biyaha iyo raashinku qaali ka noqdeen.

Shiikh Cabdiqani Qorane oo ka mid ahaa culimaddii dhowaan kasoo laabatay gobalka Gardufuu ayaa sheegay meelaha qaarkood inuu raashinku qaali ka noqday, dadka gobalkaasi degenna ay u baahan yihiin gurmad deg deg ah.

Madaxwaynaha Puntland mudane Cabdiweli Maxamed Cali ayaa qurba joogta ka codasaday inay gurmadka ka qayb galaan si qoysaska reer guuraaga ah nolashooda loo bad baadiyo.

PUNTLAND POST

The post Suldaan Siciid Maxamed Garaase oo shacabka ugu baaqay in laga qayb galo gurmadka abaaraha appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>