Wasiirka wasaarada Deegaanka, Duurjoogta iyo Dalxiiska dawlada Puntland ee Soomaaliyeed Dr. Cali Cabdullaahi Warsame ayaa maanta booqasho ku tagay degmada Xarfo ee gobolka Mudug isagoo halkaas u tagay inuu u kuurgalo xaalada magaaladaas iyo gaar ahaan howlo shaqo oo ay wasaarada Deegaanku ka waday degmada Xarfo kuwaasoo lagu furayey xirmaysiga dhibaatooyinka ku hayey dadka iyo duunyada deegaanada hoosyimaada degmada Xarfo.
Wasiirka ayaa ugu horayn xarunta degmada kula kulmay maamulka degmad Xarfo iyo golaha deegaanka magaalada kuwaasoo uu kala hadlay arimo la xiriira hormarka Magaalada iyo arimo quseeya hormarinta deegaanka iyadoo laga fogaanayo dhibaatoyinka deegaanka, Wasiirku wuxuu warbixin ka dhagaysatay saraakiishii wasaarada, maamulka degmada iyo dugsiga tababarka ee Abqaale kuwaasoo magaalada ka waday howlgal culus oo lagu burburinayey xirmaysiga sharci darada ah ee ka jiray degmada Xarfokuwaasoo in kabadan 60 xirmo oo qaarkood mudo badan jiray lagu burburiyey.
Dr. Cali Cabdulaahi Warsame ayaa intaas kadib shir balaaran la qaatay bulshada magaalada kaasoo uu uga hadlayey arimaha bilicda magaalada, la dagaalanka xirmaysiga, ka hortagida waxyaabaha dhibatada ku haya deegaanka, sidii bulshadu isugu tashan lahayd iyo arimo badan kuwaaso ay dadka magaalada isla fahmeen, Wasiirka ayaa shirkaas kadib soo booqday meelihii laga burburiyey xirmaysiga kuwaasoo xiligii uu booqanayey daaqayeen xoolihii mudada badan laga hortaagnaa waxaana uucodsaday in shaqadaas lasii wado islamarkaasna wuxuu sheegey in ay dhawaan ka bilaabi doonaan degmooyinka kale ee Puntland, Wasiirku wuxuu sheegey inaanan marna la ogalaan doonin in dadka la xanibo islamarkaasna cidi dhulka iska xirato ayagoo ku marmarsiiyonaya beero iyo waxyaalo kale.
The post Wasiirka Deegaanka oo shacabka degmada Xarfo kala hadlay arrimaha deegaanka appeared first on Puntland Post.