Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Madaxwaynaha Puntland Cabdiweli Gaas maka qayb gali doonaa shirka Turkey ?

$
0
0

GAROWE-(Puntland Post) Madaxwaynaha dowladda Puntland ee Soomaaliyeed, Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa hadda safar shaqo ku jooga dalka Itoobiya gaar ahaan magalada Addis ababa halkaasoo uu madaxda dalkaasi kulamo kula qaatay.

Marka laga tago kulamadaasi Itoobiya,Gaas ku sameeyay waxaa iyana jirta hadal hayn soo baxday tan iyo xalay taasoo salka ku haysa ka qayb galka Puntland shirka arrimaha Soomaaliya looga hadlayo oo ay marti galisay dowladda Turkiga oo sanooyinkii ugu danbeeyay isha ku haysa khayraadka iyo wax soo saarka dalka.

Shirka Turkiga ka dhacaya ayaa loogu talo galay inay isku arkaan dhinacyda madaxda mamulada dalka, dowladda dhexe, iyo beesha caalamka kaasoo lagu gorfeynayo xaalada dalka gaar ahaan hab sami u socodka hanaanka loo jeexay doorashada 2016, balse masuul ka tirsan xafiiska madaxtooyadda ayaa laga soo xigtay inaysan macquul ahayn ka qayb galka Puntland shirkaasi siyaasadeed maadama horay Puntland iyo shacabkeeda uga hor yimaadeen nidaamka lagu saleeyay soo xulista Baarlamaanka cusub ee 4.5.

Madaxwayne Gaas wararka laga soo xiganayo safarkiisa ayaa tilmaamaya inuu ku wajahan yahay dalka Maraykanka gaar ahaan caasumadiisa, taasoo meesha ka saaraysa inuu Cabdiweli ka qayb galo shirka todobaad-yadaan soo socda ka qabsoomaya magalada Istanbuul.

Ma jirto war rasmi ah oo ay Puntland-tu ku cadaynayso inay ka baaqsatay shirka Turkiga ee Soomaalida, hase yeeshee wararka madaxa banaan ayaa sheegaya in xafiiska warbaahinta ee madaxtooyada ku mashquulsan yahay soo saarista qoraal ka turjumaya aragtida Puntland ee shirkaasi.

Dhowaan ayay ahayd markii Garowe yimadeen wafdi balaaran oo uu horkacayo wakiilka xogahayaha guud ee QM u qaabil Soomaaliya, kaasoo aan wax natiijo ah kala laaban kulamadii uu la qaatay madaxda dowladda, siyaasiyiin iyo bulshada rayidka ah.

Puntland ayaa weli u aragta inuusan meel wanaagsan Soomaaliya gaarsiin karin nidaamka qabiilka lugta kula jira ee 4.5, mana jirto xal dhexe oo la iskugu yimi balse QM ayaa dadaal weli ugu jirto sidii Puntland lagu qancin lahaa.
Marka laga tago arrimahaasi waxaa iyadana la hadal hayaa haddii Puntland diido inayba ka qayb galin doorashada 2016 ee DFS maxaa xigo doono oo haray iyo go’aanka Baarlamaanka Puntland wuxuu noqonaya ee danbe.

Siyaasiyiin reer Puntland ah oo aad maalmihii lasoo dhaafay u hadal hayay ayaa tilmaamaya in la joogo waqtigii Puntland arrimaheeda gaarka ah uga tashan lahayd maadama aan wax horumar ah laga gaarin dhismaha dowladda cadaalad ah oo dadka u siman.

PUNTLAND POST

The post Madaxwaynaha Puntland Cabdiweli Gaas maka qayb gali doonaa shirka Turkey ? appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>