Garowe-(Puntland Post)-Wasiirka deegaanka dowladda Puntland Cali Cabdullaahi Warsame ayaa sheegay in bisha soo socota ee April Puntland lagu qaban doono shirweyne Qaran oo looga hadlayo deegaanka.
Waxaa uu tilmaamay wasiirku in shirar kusaabsan lagu qaban doono gobolada,isagoo xusay in shirka weyn lagu qaban doono Garowe oo ay kasoo qayb gali doonan qaybaha kala duwan ee bulshada iyo xubno ka socda beesha caalamka.
dhawaan waxaa lagu qabtay bosaso tababar kusaabsan deegaanka iyo biyo l’aanta, waxaa uuna sheegay wasiirku in tababarka lagu qaban doono gobolada oo dhan loogana gon leeyahay wacyi galin ku aadan deegaanka.
Cali Cabdullaahi ayaa hada kusugan magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug waxaana uu deegaanada gobolka qaybo kamid ah kasoo sameeyey wacyi galin ku saabsan ilaalinta deegaanku, isagoo wasiirku soo arkay dhul bur bursan oo uu sheegay in wajiga labaad ay wasaraaddu ay wax ka qaban doonto.
Baarlamaanka Puntland ayaa dhawaan meel mariyey markii ugu horaysay ciidan ilaalinaya deegaanka oo ka tirsan booliiska.
Halkan ka Dhagayso Codka wasiirka.
PUNTLAND POST.
The post Shirweyne looga hadlayo deegaanka oo dhawaan lagu qaban doono Garowe appeared first on Puntland Post.