Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

GAROWE: Guddiga Injineerada Puntland oo tababar loosoo xiray

$
0
0

GAROWE-(Puntland Post) Wasaradda howlaha guud iyo gaadiidka Puntland oo kaashanaysa hay’adda ILO ayaa maanta oo Axad ah magalada Garowe ugu soo gaba-gabaysay xubno ka socday guddiga Injineerada Puntland kuwaasoo mudo todobaad ah lagu taba-barayay buuga dhismaha iyo habka loo baahinayo qandaraas-yada.

Xiritaanka tababarka waxaa kasoo qayb galay wasiirka howlaha guud iyo gaadiika Puntland Cabdirashiid Maxamed Xirsi, saraakiil ka socday hay’adda ILO.

Ugu horayntii Eng.Maxamuud Maxamed Cabdiqaadir oo hadal kooban jeediyay ayaa sheegay ahmiyadda tababarkan loogu qabtay Injineeradaan inay tahay sidii ay tababaro usii siin lahaayeen mamulada degmooyinka uu ka shaqeeyo Mashruuca horumarinta ee la yiraahdo JPLG, waxa uu tilmaamay inuu si wanaagsan usoo dhammaaday tababarkan.

Wasiir Cabdirashiid Maxamed Xirsi ayaa marka hore u mahad celiyay habka wanaagsan ee Injineerada tababarka u qaateen, waxa uu dhowr jeer kusoo cel celiyay inay muhiim tahay mamul baahinta in la dadajiyo oo mamulada degmooyinka fahmaan ahmiyada uu lee yahay buuga dhismayaasha iyo habka qandaraaska loo baahiyo.

Xirsi ayaa sheegay guddiga Injineerada Puntland in looga baahan yahay inay xoogga saaraan sidii buugaan iyo siyaasada dhismaha looga dhaadhicin lahaa mamulada degmooyinka maadama mudo 8-sano ah aan la helin wax is-badal ah, wuxuna ku booriyay in mar kasta horumarinta dalka iyo dan siyaasada lagu shaqeeyo.

Mashruuca horumarinta degmooyinka (JPLG) ayaa ah mid ka shaqeeya dhowr demo, waxaana dhaqaalaha ku baxaya barnaamijkaasi iska kaashaday dowladda dhexe,dowladda hoose iyo hay’addaha QM qaarkood.
12498409_952884118092410_761240047_n

12721854_952884134759075_1214494944_n

12736439_952884008092421_1319561885_n

12746422_952884298092392_781532277_n

12769485_952884284759060_602423137_n

12769501_952884148092407_1174646639_n
PUNTLAND POST

The post GAROWE: Guddiga Injineerada Puntland oo tababar loosoo xiray appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles