Muqdisho-(Puntland Post)- Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud iyo wafti uu hogaaminayo ayaa la filayaa maanta inay aadan dalka Turkiga gaar ahaan magaalada Istanbul.
Waftiga madaxweynaha ayaa ka qayb gali doona shir looga hadlaya arimaha doorashada Soomaaliya oo Istanbul lagu qabanayo sida qorshuhu yahay maalinka barri ah.
Shirka waxaa sidoo kale lagu caasumay madaxda maamul goboleedyada dalka,madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa shalay ka duulay Kismaayo, isagoo ku wajahan Istanbul,Puntland ayaa la sheegay inaysan ka qayb galayn shirka.
Muqdisho ayaa shir lagu soo gaba gabeeyey sanadkan bilowgiisa waxaa lagu go’aamiyey in doorashada sanadkan lagu saleeyo 4.5ka,waxaana ka horyimi Puntland oo taageersan in xildhibaanada lagu soo xulo deegaan.
Madaxweynaha Puntland Cabdilwali Gaas oo Ethiopia kusugna maalmahan ayaa kasii aaday dalka Maraykanka,oo uu haysto baasa boorka dalkaas,waxaanse si rasmi loo garanayn socdaalka Maraykanka ee Gaas wuxuu ku qotomo,marka laga yimaado inuu dalka dagan yahay.
PUNTLAND POST
The post Madaxweyne Xasan oo maanta la filayo inuu uduulo Turkiga appeared first on Puntland Post.