Kampala-(Puntland Post)- Dowladda Uganda ayaa sheegtay in ciidamadeeda ka jooga Soomaaliya ay sii joogi doonaan ilaa inta ay ka guul gaarayaan muhiimada ay u tageen Soomaliya, waxaa sidaasi yiri masuul u hadlay Uganda.
Paddy Ankunda,Afhayeenka ciidamada Melatariga ee Uganda ayaa sheegay in ciidamadoodu sii joogi doonan gudaha Soomaliya, inta ay ka guulaysanayaan Alshabaab waa siduu yiri.
“Ciidamada Uganda baaqi ayay kusii ahaan doonaan Soomaaliya si ay u caawiyaan dowlada Soomaaliya ee dagaalka kula jira kooxda Al-qaacida xiriirka la leh ee Al-shabaab”ayuu yiri afhayeenka u hadlay ciidamada Uganda.
Dowladda Uganda ayaa ciidamadeedu ku biiraan Howlgalka AMISOM ee Soomaaliya sanadkii 2007,wuxuuna kamid yahay dalalka ugu badan ee ciidamadu ka joogaan Soomaaliya.
PUNTLAND POST
The post Uganda oo sheegtay in Ciidamadeeda kaga sugan Soomaaliya ay sii joogi doonaan appeared first on Puntland Post.