Garoowe: (pp)- Wasaarada Maaliyada Puntland ayaa maanta shaacisey in ay qorsheynayso hirgalinta barnaamij la xiriira sidii canshuurta iyo mushahaaraadka shaqaalaha lagu bixin doono lacagta qalaad ee Dollar-ka ka dib markii Puntland ay arrintan sabab uga dhigtey hoos u dhaca Shilinka Somaliga.
Wasiirka Wasaarada Maaliyadda Puntland Faarax Cali Shire oo maanta saxaafada kula hadley xafiiskiisa ayaa sheegey in dowlada Puntland dadaal dheer u gashey 2009 ilaa 2011 in sarifka Sh,Somaligu uu noqdo mid fadhiya.
Faarax wuxuu sheegey ka dib markii si lama filaan ah hoos u dhac ugu yimid Sh,Somaliga suuqyada Somalia ay soo gashey lacag dollar ah oo faro badan , kuwaas oo dad ay uga faa,iideysteen dollarka inay ku bedeshaan qiimo hooseeya oo Sh, Somaliya.
Wasiirka ayaa intaas ku darey inay dadaal dheer u galeen xakameynta hoos u dhaca Sh,Somaliga, taasi oo bedelkeeda Puntland dalabtey in lacago cusub dalka la keeno, balse aysan waxba ka suurto galin heshiis ay la gashey Dowladii KMG ahayd iyo Midda hadda jirta Federalka.
Mudane Faarax Cali Shire ayaa ku sababeeyey go,aankan Puntland qaadatey in uu yahay mid lagu toosinayo oo ay isku tashanayaan si aysan Puntland cid kale waxba uga sugin.
Puntland waxay sheegtey inay tahay rajo aan lagu sii noolaan karin heshiis horey ay ula gashey xukuumada Saacid Somalia , taasi oo wasiirku ku tilmaamey mid aan ilaa iyo hadda waxba ka hirgalin , laguna balansanaa in mar horre uu fulo heshiiskaasi.
Wasiirka ayaa waxa uu carabka ku dhuftey intii muddo ahayd ee hoos u dhaca uu ku yimid dollar-ku inay Puntland ku bixineysay mushahaaraadka iyo adeegyadeeda qiimihii hore ee sarifka , taasina ay saameyn ku yeelatey dhakhliga dowlada.
Faarax oo hadalka sii wata ayaa sheegey in hoos u dhaca uu saameyn xataa ku yeeshey wax dhoofkii dalka, sida xoolaha nool, wax soo saarka badda,beeyada iyo meydiga oo ka qaaliyoobey qiimihii horre ee Somaliga ahaa.
Talaabooyinka Wasaaradiisu qaadi doonto ayuu wax ka tilmaamey wasiirku waxaana uu sheegey inay ka mid yihiin wacyi galin loo sameyn doono ganacsatada gudaha iyo wax soo saarka si loo dhimo sicirka gudaha wax lagu kala gato.
Ugu danbeyntii Wasiirka Maaliyadu waxa uu ka dalbadey ganacsatada yar yar ee suuqyada magaalooyinka ku iibiya tafaariiqda inay qiimaha alaabtooda ku saleeyaan midka dhabta ee suuqa islamarkaana ay joojiyaan qiima kororka oo ku tilmaamey mid ribo ah.
Nagala soo xiriir : Puntlandpost.pp@gmail.com
Puntlandpost.com
Garoowe