Garoowe: (pp)- Wasaarada Qorsheynta iyo Iskaashiga Dowlada Puntland ayaa maanta bilowday barnaamij ku saabsan dejinta qorshaha shanta sano soo socda ee Puntland.
Kulan maanta ka dhacay xarunta wasaarada ayaa waxaa kasoo qeyb galey Masuuliyiinta wasaarada,Wakiilo ka socda Hay,adda caalamiga ee fadhigoodu yahay Puntland.
Wasiirka Wasaarada Qorsheynta iyo Iskaashiga Dr Sayid Maxamed Cabdulle oo ka warbixiyey ujeedada barnaamijka ayaa sheegey in uu la xiriiro Qorshaha Horumarinta Shanta Sano ee soo socota.
“Dabcan waanu garaneynaa Ummad aan qorshe lahayn waxay la mid tahay ummad aan hadaf lahayn oo aan garaneyn meel ay u socoto, Dowlada Puntland horey ayay u sameysay 2007-dii ilaa 2011-kii ayuu soo shaqeynayey barnamijkan “ayuu yiri Mudane Sayid.
Qorshaha Shanta Sano ee Puntland ayaa ka koob-naan doona afar qeybood oo kala ah .
1.Gargaarka Deg dega sida xaaladaha yimaada oo qorshahan lagu cadeyn doono qaabka looga howl-gali doono.
2.Fulinta Barnaamij-yada ama mowduucyada ka yimaada Bulshada reer Puntland.
3.Horumarinta Deegaanada laga soo bilaabo Degmo ilaa Magaalo.
4.Habka ama Qorshaha Barnamijku ku soconayo oo leh meel laga tixraaco.
Mudane Sayid Maxamed Cabdule waxa uu sheegey in barnaamijkan uu yahay mid ay la yimaadeen Dowlada Puntland iyo Dadkeeda, sidaas darteed-na uu u furan yahay kasoo qeyb galkiisa cid walba oo ka mid ah bulshada inay la timaado fikradooda.
Wasiirka Qorsheynta waxa uu intaas ku darey in diyaarinta qorshahan qaabka wasaaradiisu u wajahayso uu noqon doono saddex nooc oo kala ah.
1.Kala horeysiinta qorshayaasha Wadanka (National Plan) sida ay u kala muhiimsan yihiin .
2.Qiimeynta Natiijooyinka soo baxay oo la raadinayo xalkooda.
3. Buugii iyo Daabacaadiisa oo lasoo bandhigo.
Diyaarinta Qorshaha shanta Sano ee Puntland ayuu wasiirku sheegey inay ku qaadan doonto shanta bilood ee socota, isagoona sheegey inay u baahan yihiin iskaashi barnaamijkan ay kala sameeyaan Hay,addaha,Bulshada,iyadoona dowladu qeybteeda la diyaar garowdey.
Wasiirka ayaa sharaxay kharashaadka ku kici doona barnaamijkan oo uu sheegey in uu gaarayo 1 malyan iyo 300 oo kun oo dollar , wuxuuna carabka ku dhuftey inay diyaarinayaan 5 bilood gudaheed buug dhigaya qorshaha shanta sano ee socota.
Puntland ayaa horey ugu guuleysatey diyarinta qorshaha shanta sano sanadihii 2007 ilaa 2011 oo ay kusoo shaqeynaysay , islamarkaana uu ahaa mid ay kaga faa,iideysatey wax badan oo ka mid ah horumarinta barnaamijyo kala duwan oo gudaha wadanka laga qabtey.
Marka loo eego taariikhda Barnaamijkan ee qorshaha shanta sano ayaa kasoo bilowday ama kasoo unkamey xilligii uu wasiirka ka ahaa wasaarada Qorsheynta iyo Iskaashiga Madaxweynaha Puntland Dr C/raxmaan Faroole oo Puntland kusoo kordhiyey hirgalinta barnaamijkan.
Wuxuuna hadda kusoo beegmayaa Diyaarinta barnaamijku iyadoo uu dhamaadey midkii hore ee la dejiyey , kaas oo lagu soo dhaqmayey shantii sano ee lasoo dhaafey.
Nagala soo xiriir : Puntlandpost.pp@gmail.com
Puntlandpost.com
Garoowe.