Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Warbixin: Arsenal vs Barcelona – Gunners Ma awoodi Doontaa inay caawa iska Caabiso kooxda Difaacanaysa Champion league ee blaugrana

$
0
0

Kulanka: Arsenal vs Barcelona

lugta 1-aad ee wareegga 16-ka Champion league

Garoonka: Emirates Stadium

Wakhtiga: 10:45PM Saacada Geeska Africa

Arsenal ayaa raadineysa inay natiijo niyadsami leh ka hesho kulanka ay Barcelona soo booqaneyso caawa magaalada London iyagoo doonaya inay ka fogaadaan in markii seddexaad wareegyada kala baxa ay ku reebto kooxaha heysata Champions League lixdii sanno ee ugu danbeysay.

Kooxda Premier League ka dhisan ayaa laga badiyay labadii jeer kale ee ay wareegyadaan ku wajaheen Barcelona, kuwaasoo sidoo kale ku badiyay England waqtigaan oo kale tartanka sannadihii 2014 iyo 2015.

Arsenal ayaa gadaal ka soo kacday oo Barcelona ku garaacday 2-1 markii ay ku kulmeen London wareegii 16ka ee xilli ciyaareedkii 2010-11, Robin van Persie iyo Andrey Arshavin ayaa jawaab guul leh ka bixiyay goolkii uu dhaliyay qeybtii hore David Villa.

Barcelona ayaase lugtii labaad ku badisay 3-1 iyadoo Lionel Messi uu dhaliyay labo gool. Sergio Busquets ayaa rajo gaaban geliyay Arsenal markii uu gool iska dhaliyay taasoo ciyaarta mar ka dhigtay 1-1.

Xilli ciyaareedkii ka horeeyay Messi ayaa dhaliyay dhamaan afartii gool ee ay Barcelona ku badisay lugtii labaad ee wareega 8da ee ay 4-1 kaga badiyeen Arsenal. Kooxda Arsene Wenger ayaa rajo isgeliyay lugtii hore iyagoo ka soo kabsaday labo gool oo looga hormaray islamarkaanka dhigay ciyaarta barbaro 2-2 iyagoo uga mahadcelinaya gool uu dhaliyay Theo Walcott iyo rigoore uu saxiixay Cesc Fabregas.

Barca iyo Arsenal ayaa sidoo kale isku arkay finalkii 2006 ee Champions League ee ka dhacday Paris, Barcelona ayaa guul 2-1 ah ku qaaday iyadoo Samuel Eto’o iyo Juliano Balletti ay xilli danbe dhaliyeen goolal ay kaga jawaab bixinayeen goolkii ay hogaanka ku heysay Arsenal ee Sol Campbell iyadoo Arsenal ay 10 nin ku ciyaareysay markii qeybtii hore casaan laga siiyay goolhaye Jens Lehmann.

Luis Enrique ayaa shabaqa soo taabtay labada kulan ee ay labada kooxood ku kulmeen wareegii hore ee group-yada ee xilli ciyaareedkii 1999-2000. Tababaraha Barvelona ayaa shabaqa soo taabtay barbarihii 1-1 ee Camp Nou iyo guushii 4-2 ee ay ku gaareen Wembley.

SHAXDA MACQUULKA AH:

Arsenal: Čech; Bellerín, Mertesacker, Koscielny, Monreal; Ramsey, Coquelin; Walcott, Özil, Sánchez; Giroud.

Barcelona: Ter Stegen; Dani Alves, Piqué, Mascherano, Alba; Rakitić, Busquets, Iniesta; Messi, Suárez, Neymar.

Wixii Warar ah eek u soo kordha Kulankaas Adag kala soco puntland post.com

The post Warbixin: Arsenal vs Barcelona – Gunners Ma awoodi Doontaa inay caawa iska Caabiso kooxda Difaacanaysa Champion league ee blaugrana appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>