Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Barcelona oo guul Dahabi ah ku soo gaadhay Emirates Stadium iyo messi oo 2 jeer shabaqa soo taabtay

$
0
0

Barcelona ayaa guul dahabi ah ku soo gaadhay Emirates Stadium kadib markii ay 2:0 ku soo garaacday kooxda ay martida u ahayd ee Arsenal. Kulan qaybtii danbe labada kooxood ay soo badhigeen qaab ciyaareed cajiib ah ayay Barcelona ku heshay fursad WAYN  oo ka caawin karta in ay kulanka lugta danbe ee Camp Nou ay ugu soo bixi karto wareega sideed dhamaadka.

Lionel Messi ayaa Gunners dhibta u horseeday wuxuuna dhaliyay labada gool ee ay Barca ku gaadhay guusha isaga oo shan kulan Arsenal kaga dhaliyay 8 gool. Messi ayaa sidoo kale jabiyay dhibtii ka haysan jirtay cech wuxuuna laba jeer ka soo taabtay shabaqa uu ilaashanayay.Barcelona ayaa sii wadata rekoodhka guuldaro la’aanta iyada oo gaadhay kulankii 33 aad oo ayna wax guuldaro ahi soo gaadhin.

Hoos Kadaawo 2 Goal

The post Barcelona oo guul Dahabi ah ku soo gaadhay Emirates Stadium iyo messi oo 2 jeer shabaqa soo taabtay appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>