Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Shirkadda Golis Oo Gaari Gudoonsiisay Wiil Arday Ah

$
0
0

Boosaso-(Puntland Post)-Munaasabad lagu qabtay xarunta wayn ee jaamacadda Bariga Africa ayaa shirkadda Golis Telecom Somalia ay ku wareejisay mid kamid ah hadiyadihii ugu qaalisaa ee ay la wadaagto macaamiisheeda taas oo ay ugu talagashay inay ku dhiiri galiso ardayda jaamacadda Bariga Africa ee kaalinta libaax ka qaatay kal dhaqameedki labaad ee lagu qabtay dhawaan xarunta Jaamacadda.

Hadiyadan oo ahayd Gaari nooca raaxada ah oo uu ugu guulaystay hab bakhtiyaanasiib ah mid kamid ah ardayda jaamacadda Bariga Africa xiligii lagu guda jiray barnaamijka Mahiigaan oo ay shirkadda Golis ugu talagashay inay uga qayb qaadato kal dhaqameedkii labaad ee jaamacadda Bariga Africa kaas oo ay ardaydu kusoo bandhigeen hidaha iyo dhaqanka soo-jireenka ah ee leedahay umada Soomaaliyeed.

Madaxa waaxda Suuqgaynta shirkadda Golis C/raxmaan C/laahi Jaamac (Dayax) ayaa munaasbada furay isagoo xusay in Gaarigan quruxda badan iyo hadiyadaha kaleba ay ugu talagashay inay shirkadda Golis ku dhiiri galiso ardayda Jaamacadda Bariga Africa oo kor u qaaday hidaha dhaqanka Soomaaliyeed intii lagu guda jiray kal dhaqameedka labaad ee Jaamacadda Bariga Africa.

Gudoomiye ku xigeenka Jaamacadda Bariga Africa Maxamed Maxamuud Ciise ayaa dhankiisa uga mahaceliyay guud ahaa barnaamijka Mahiigaan shirkadda Golis oo uu xusay inay had iyo jeer garab taagantahay bahda waxbarashada isagoo xusay in barnaamijkaan uu ahaa mid ay mudantahay in looga daydo shirkadda Golis.

Ardayga ku guulaystay gaariga hadiyada ah oo lagu magacaabo Yuusuf cumar sheikh mxamed ayaa lagu wareejiyay furaha gaarigiisa cusub kaas oo uu nasiibkiisu waafajiyay in Golis ay u hibayso gaari nooca raaxada ah isagoo madasha ka hadlayna waxa uu sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay hadiyada qaaliga ah ee ay gudoonsiisay shirkadda Golis Telecom.

Dareen ahaan aad baan ugu faraxsanahay inaan maanta kaxaysto gaarigan oo aan ku helay bakhtiyaansiibkii nala dhex dhigay intii aan ku guda jirnay kal dhaqameedki labaad kaas oo u dhacay si cadaalad ah waana uga mahadcelinayaa shirkadda Golis” ayuu yiri Yuusuf cumar sheikh mxamed.

Barnaamijka Mahiigaan ayaa sidoo kale shirkaddu ku bixisay hadiyado kala duwan oo ay kamid ahaayeen Computero Laptob ah, Mobilo, Dhar, kabo, qalab Sports iyo hadiyado kale waxana maamulka shirkadda ee ka qayb galay munaasbada ay balan qaadeen inay sii wadayaan dhiirigalinada caynkan ah oo ay la wadaagayso bulshada iyo macaamiisheeda.

DAAWO SAWIRADDA :

1916189_10153480306846448_573415143087397838_n

10269544_10153480307626448_7267810293600479638_n

10271550_10153480306476448_2641705348469390479_n

10325301_10153480307811448_7898021115232954081_n

10364013_10153480305826448_4864527504151443845_n

10422467_10153480306976448_3710751712593181904_n

10645029_10153480305716448_1241306280996301541_n

12742260_10153480306356448_7237036789102542812_n

12743857_10153480306041448_93102288229909295_n

12744159_10153480312121448_5116395912850330866_n

12744171_10153480311376448_55473770433834390_n

12745401_10153480306671448_3861796899535099218_n

Puntland Post

Xafiiska-Boosaso.

The post Shirkadda Golis Oo Gaari Gudoonsiisay Wiil Arday Ah appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>