Kismaayo-(Puntland Post)- Qaar kamid ah xildhibaanada dowladda fadaraalka ee kaso jeeda gobolada Jubbaland ayaa dhaliilay shir uu dhawaan Kismaayo ka furay,oo ay sheegeen in muhiimada shirku ahayd inay la xisaabtamaan Madaxweynaha balse uu Axmed Axmed Madoobe diiday inay ka hadlaan waxay ka tabanayaan maamulkiisa.
Xildhibaan Maxamuud Cali Magan iyo xildhibaano kale oo kasoo jeeda deegaanada Jubbaland ayaa sheegay in madaxweyne Axmed Madoobe uu shirka Kismaayo iskugu geeyay xubno matalayo beelo daga gobolka oo aan ka hadli dhibaatada lagu hayo.
Beelaha dega Jubbaland ayaa qaarkood ayaa dhaliilsan Siyaasada maamulka,waxayna in badan muujiyeen cabashooyin ay ka qabaan,gobolka Geddo beelaha dega qaarkood ayaa dhowr jeer muujiyey inaysan ku qanacsanayn maamulka, inakastoo Madaxweynuhu uu tagay oo lasoo kulmay siyaasiyiinta gobolka,hadana wali waxaa taagan cabashooyin.
Axmed Madoobe oo sanadkii hore mar labaad loo doortay Madaxweyne ayaan ilaa hada soo dhisin golaha wasiiradda,dadka isha ku haya Siyaasada Jubbaland ayaa sheegaya in waxyaabaha ugu waaweyn ee usoo dhisi la yahay ay tahay cadaadis kaga imaanaya beelaha oo rabto beel walba inay is ka dhex aragto wasiiradda.
PUNTLAND POST
The post Axmed Madoobe oo lagu dhaliilay Shir uu dhawaan ka furay Kismaayo appeared first on Puntland Post.