Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo lagu soo dhaweeyey Qardho

$
0
0

Qardho-(Puntland Post)- Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar Camay ayaa lagu soo dhaweeyey degmada Qardho ee gobolka Kar kaar.

Camay iyo wafti uu hogaaminayo ayaa ka ambabaxay magaalada Garowe,waxayna kusii jeedaan magaalada Bosaso ee xarunta gobolka Bari,maamulka gobolka Kar kaar,kan degmada iyo Shacab ayaa soo dhaweeyey madaxweyne ku xigeenka.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa kulan la qaartay maamulka gobolka Kar kaar iyo kan degmada isagoo kala hadlay abaaraha ka jira gobolka.

Cabdixakiin Cabdullaahi Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa dadka reer Qardho iyo kuwa Puntland ugu baaqay inay ka qayb qaataan ugur mashada dadka ay waxyeelaysay abaaraha ka jira Puntland.

Camay iyo waftigiisa ayaa usoo gud bi doona magaalada Bosaso,inkasto aan warbaahinta loo sheegin wuxuu salka ku hayo safarka madaxweyne ku xigeenka.

PUNTLAND POST.

The post Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo lagu soo dhaweeyey Qardho appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>