Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Wasiirkii hore ee arrimaha bulshadda DFS oo lagu soo dhaweeyay Jaamacadda Bosaso ee Garowe

$
0
0

GAROWE-(Puntland Post) Madaxda iyo ardayda Jaamacadda BOSASO xarunteeda magalada Garowe ayaa kullan soo dhaweyn ah u sameeyay wasiirkii hore arrimaha bulshada DFS Marwo, Maryan Qaasim waxana sidoo kale kulankaa goobjoog ka ahaa wasiir ku xigeenka waxbarashada Puntland Dr.Maxamed Cali Faarax.

DRS.Maryan Qaasin ayaa ah madaxa barnaamijka bad baadinta Hooyada iyo dhalaanka ee Soomaaliya ( CARRMO ) kaas oo jaamacadda Boosaaso ay qayb ka tahay iyadoo jaamacaduna tababar iyo aqoon korarsi u fidasa qaar ka mid ah shaqaalaha barnaamijkaan sidoo kalena waxaa dhigata jaamacadda arday loo dhigo duruus la xiriirta Barnaamijka bad baadada hooyada iyo Dhalaanka CARRMO.

Xafladda ayaa waxaa ka soo qayb galay masuuliyiin ay ka mid yihiin wasiir kuxigeenka wasaaradda waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Puntland Dr. Maxamed Cali Faarax , Agaasimayaasha qaar ka mid ah wasaaradaha Puntland , Macalimiin , Aqoonyahano iyo ardada wax kabarata jaamacadda Boosaaso .

Masuuliyiinta madasha ka hadlay ayaa waxaa kamid ahaa Gudoomiyaha Faraca Garowe ee Jaamacadda Boosaaso C/risaaq Axmed Faarax wuxuu ku tilmaamay marwo Maryan Qaasim mid baal dahab ah ugu jirto Bahda waxbarashada maadama ay ahayd maskaxdii hindistay Barnaamijkii Qaramada midoobay ay taageeraysa ee ” Waxbarashada aad ” GO TO SCHOOL kaas oo fursad waxbarasho u noqday kumaan arday ah oo soomaali ah .

Wasiir kuxigeenka waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland ayaa dhankiisa uga mahad-naqay Marwo Maryan Qaasin kaalinta hogaamineed ee ay ka qaadatay barnaamijka Badbaadada hooyada iyo dhalaanka ee CARMO.

Wasiir Maryan Qaasin ayaa dhankeeda uga mahad naqaday masuuliyiinta iyo ardada soo qaban qaabisay soo dhawaynta loo sameeyey waxayna si gaar ah ardada kula dar daarantay in ay dalkooda ugu adeegaan aqoonta ay ka barteen jaamacadaha ay dhigtaan,sidoo kalena waxay sheegtay in mar kasta Soomaalida la isku soo dhaweeyo.

1

2

3

4

5

6

7

8

9
PUNTLAND POST

The post Wasiirkii hore ee arrimaha bulshadda DFS oo lagu soo dhaweeyay Jaamacadda Bosaso ee Garowe appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>