Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Dawladda Imaaraadka Carabta oo ballan qaaday in ay xannibaadda ka qaadayso dhoofka xoolaha Soomaaliya.

$
0
0

Waxaa maanta  magaalada Dubai ka dhacay shir looga wada xaajoonayey sidii  dib loogu furi lahaa dhoofka xoolaha Puntland Ee hakadkad ka kujirey muddo saddex bilood ah, Shirkaas oo jewi wanaagsan Ku furmay ‘ Kuna soo gebageboobay si wanaagsan.

Shirka ayaa waxaa dhinaca Dawladda Isu tagga imaaraadka carabta shirka u ga qayb galay  Wasiirka xanaanada xoolaha , deegaanka iyo kaluumaysiga ee waddanka Imaaraatka  Dr. Thani bin Ahmed alzeyoudi, dhinaca dawlada Puntland waxaa ka uga qayb galay maareeyaha maxjarada Puntland mudane Maxamed Faarax Iyo wasiirkii hore ee Ganacsiga dawlada Puntland Cabdi-samad Yuusuf Maxamed oo metelay gamacsatada xoolaha dhoofisa Ee Pyntland.

Dhinaca dawlada federalka soomaliya waxaa iga qayb galay Wasiirka xanaanada xoolaha mudane Siciid xusern Ciid Iyo safiirka soomaliya u fadhiya waddanka isutagga imaraadka carabta mudane Cabdiqaadir Shiiki.

Dawlada imaraadlka ayaa balanqaaday inay dhakhso uga qaadayso  xanibaada ay kusoo rogtey  xoolahii kasoo dhoofijirey  guud ahaan Soomaaliya gaar ahaan Puntland.

Si kastaba ha ahaatee tallaabadan ayaa noqonaysa mid ay aad usoo dhoweyn doonaan guud ahaanba shacabka Soomaaliyeed maadaaama ganacsiga  ugu weyn ee dalka somaaliya uu ku xidhan yahay dhoofka xoolaha.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFITA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

12772994_1013975255333543_49031071_o 12773380_1013975245333544_961796543_o

The post Dawladda Imaaraadka Carabta oo ballan qaaday in ay xannibaadda ka qaadayso dhoofka xoolaha Soomaaliya. appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>