Istanbul-(Puntland Post)- gudoomiyaha rugta ganacsiga Puntland Maxamed Caydiid ayaa ka warbixiyey shirkii looga hadlayey Ganacsiga Soomaaliya oo lagu qabtay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.
Maxamed Caydiid ayaa sheegay in isaga iyo ganasato kale ay Puntland umatalayaan shirka Ganacsiga,waxaa uu tilmaamay inay marti qaad ka helaan dowladda Turkiga,isagoo xusay inay kala madax banaan yihiin Siyaasada iyo Ganacsiga.
Caydiid ayaa carabaabay in ay uga qayb galayaan shirka si Ganacsi, islamarkaana madaxda Puntland ay raali ka yihiin,gudoomiyaha rugta ganacsiga Puntland ayaa sheegay in uu u arko shirka mid muhiim uleh ganacsiga Soomaaliya.
Waxa uu tilmaamay in shirka intuu socdo la dhisi doono guddi ka kooban ganacsatada Soomaalida iyo kuwa Turkiga kuwaas oo ka shaqayn doono sidii ganacsiga labada dal uxoogaysan lahaa.
Magaalada Istanbul ee wadanka Turkiga waxaa ka furmay shirar looga hadlayo Ganacsiga,Hiigsiga Cusub,waxaa sidoo kale lagu soo gaba gabeeyey mid looga hadlayey doorashada sanadkan, oo xooga la saarayey sidii loo amba qaadi lahaa nidaamka 4.5ka oo sida la sheegay lago aamiyey in doorashada lagu saleeyo.
Halkan ka Dhagayso Codka.
PUNTLAND POST
The post Gudoomiyaha rugta ganacsiga Puntland oo ka hadlay shirkii ganacsiga ee lagu qabtay Istanbul appeared first on Puntland Post.