Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22950

Eng.Camay oo ka hadlay shirka arrimaha Soomaaliya ee Turkey

$
0
0

BOSASO-(Puntland Post) Madaxwayne ku xigeenka Puntland Cabdixakiin Cabdilaahi Camay ayaa marka uu gaaray magalada Bosaso wax laga waydiiyay shirka Soomaalida ee waddanka Turkey, wuxuna sheegay Puntland shirkaasi inay uga qayb galleen labo wasiir iyo ku xigeen, kuwaasoo u matalaya barnaamijka NEW DEAL-ka Soomaaliya.

Camay waxa uu meesha ka saaray in haba yaraatee Puntland cid matalaysa uga qayb gashay shirka doorashada iyo nidaamak 4.5 looga hadlayo oo isla Turkiga lagu qabtay, wuxuna sheegay caasumadii loo fidiyay inuu ku saab sanaa oo kaliya Hiigsiga Soomaaliya ee 2016 iyo qaybta ay Puntland ku lee dahay.

Marka laga tago hadalka masuulkan, waxaa jira waydiiyo ah sida uu miro dhal u noqon karo shirkan maadama Puntland oo qayb ka mid ah dowladda Federaalka diiday nidaamka lagu saleeyay soo xulista Baarlamanka 2016 ee 4.5.

PUNTLAND POST

The post Eng.Camay oo ka hadlay shirka arrimaha Soomaaliya ee Turkey appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22950

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>