Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Gudoomiyaha cusub ee ardayda dugsiga sare Nugaal oo xilkiisii la wareegay

$
0
0

Garowe(PP) Dugsiga hoose/dhexe iyo sare ee Nugaal ee kuyaala magaalada Garowe ayaa lagu qabtay munaasabad ay xilka kula kala wareegayeen gudoomiyihii hore ee ururka ardayda Nugaal iyo gudoomiyaha cusub ee dhawaan ardaydu doorteen.

Munaasabadaan ayaa waxaa kasoo qeyb galay kormeeraha guud ee waxbarashada gobolka Nugaal Cumar Guureeye, maamulka iyo boardka dugsiga Nugaal, ardayda Nugaal wax ka barata iyo marti sharaf kal oo ka socotay dugsiyada kale.

Intii ay munaasabadaan socotay ayay ardaydu kasoo bandhigeen suugaan, majaajilo iyo gabayo ka turjumayay muhiimada waxbarashadu leedahay iyo sidoo kale hal-abuurka ardayda.

Khaalid Cabdulcasiis Cabdulle oo ah gudoomiyihii hore ardayda dugsiga Nugaal ayaa sheegay inuu wax badan oo horumar ah soo qabtay mudadii halka sano ahayd ee uu xilkaan hayay, wuxuuna ardayda ugu baaqay  inay la shaqeeyaan gudoomiyaha cusub.

Gudoomiyaha cusub ee ardayda Nugaal Khaalid Cabdalle Jaamac ayaa dhankiisa sheegay inuu ku faraxsan yahay waxqabadka gudoomiyihii hore, isagana wuxuu sheegay inuu ku dadaalidoono inuu sii labo jibaaro horumarka dugsiga hoose/dhexe iyo sare Nugaal. Wuxuu sheegay inuu xooga saaridoono inuu ardayda ku wacyi galiyo muhiimada waxbarashadooda.

Maamulaha dugsiga Nugaal Cabdalle Saalim ayaa sheegay inay farxad weyn u tahay labada arday ee xilka isku wareejinaya inay yihiin labo arday oo qiimo weyn ugu fadhiya dugsiga, islamarkaana wuxuu ardaydiisa ku booriyay inay gacmo furan kusoo dhoweeyeen gudoomiyaha cusub lana shaqeeyaan.

Kormeeraha waxbarashada gobolka Nugaal Cumar Guureeye oo gabagabadii xafladaan ka hadlay  ayaa sheegay inuu si weyn ugu riyaaqay sida ardayda ugu diyaarsan yihiin inay mustaqbalka noqdaan hogaamiyayaasha dalka, isagoo ku ammaanay hal-abuurnimadooda iyagoo da’yar  iyo sida ay ugu heelan yihiin waxbarashada.

Cumar Guureeye ayaa ammaanay dugsiga Nugaal. Isagoo sheegay inuu yahay dugsiga dhinac walba ka dhameystiran.

Ugu dambayn xaflada ayaa abaalmarino lagu gudoonsiiyay arday ku guulaystay tartan kubada cagta ah oo loo qabtay fasalada dugsiga iyo abaalmarino kale oo la gudoonsiiyay macalimiinta iyo ardayda Nugaal ee saamaynta ku lahaa horumarka dugsiga sanadkii tagay 2015.

Dugsiga hoose/dhexe iyo Sare ee Nugaal ayaa la aas aasay sanadkii 2007, wuxuuna kamid ah dugsiyada gaarka loo leeyahay ee caasimada Puntland kuyaala.

Sawirro.

_DSC1452 _DSC1456 _DSC1457 _DSC1460 _DSC1462 _DSC1464 _DSC1466 _DSC1468 _DSC1469 _DSC1470 _DSC1471 _DSC1473 _DSC1475 _DSC1476 _DSC1478 _DSC1480 _DSC1481 _DSC1482 _DSC1483 _DSC1484 _DSC1485 _DSC1487 _DSC1488 _DSC1490 _DSC1493 _DSC1494 _DSC1495 _DSC1496 _DSC1498 _DSC1499 _DSC1502 _DSC1507 _DSC1508 _DSC1510 _DSC1513 _DSC1517 _DSC1519 _DSC1523 _DSC1526 _DSC1529 _DSC1535 _DSC1537 _DSC1540 _DSC1541 _DSC1545 _DSC1551 _DSC1555 _DSC1558 _DSC1567 _DSC1572 _DSC1573 _DSC1576 _DSC1577 _DSC1578 _DSC1579 _DSC1580 _DSC1581 _DSC1583 _DSC1586 _DSC1588 _DSC1591 _DSC1593 _DSC1594 _DSC1596 _DSC1598 _DSC1599 _DSC1605 _DSC1608 _DSC1611 _DSC1615 _DSC1617 _DSC1618 _DSC1623 _DSC1626 _DSC1628 _DSC1630 _DSC1632 _DSC1637 _DSC1640 _DSC1648 _DSC1649 _DSC1650 _DSC1651 _DSC1652 _DSC1654 _DSC1656 _DSC1658 _DSC1659 _DSC1661 _DSC1663 _DSC1664 _DSC1665 _DSC1666 _DSC1668 _DSC1669 _DSC1670 _DSC1671 _DSC1672 _DSC1675 _DSC1677 _DSC1678 _DSC1680 _DSC1681 _DSC1684 _DSC1686 _DSC1689 _DSC1691 _DSC1692 _DSC1693 _DSC1694 _DSC1695 _DSC1697 _DSC1698 _DSC1700 _DSC1701 _DSC1702 _DSC1705 _DSC1706 _DSC1708 _DSC1709 _DSC1710

Puntlandpost.com

Garowe

The post Gudoomiyaha cusub ee ardayda dugsiga sare Nugaal oo xilkiisii la wareegay appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>