Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Warar dheeraad ah oo ka soo baxaya qaraxii xalay ka dhacay nawaaxiga syl ee muqdisho iyo wasiirka amniga oo faah faahin kabixiyay

$
0
0

Muqdisho-(Puntland Post)-Ugu yaraan 10-ruux ayaa ku geeriyootay qaraxyo xalay  fiidkii ka dhacay agagaarka Hotelka SYL iyo halka lagu magacaabo Beerta Nabadda, iyadoo qaraxyada ay ahaayeen kuwo gil gilay magaalada Muqdisho. Qaraxa hore ayaa ahaa baabuur waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay, kaasoo ahaa mid aad u xooganaa, waxaana qaraxa hore uu sababay bur bur dhismayaal ku yiilay wadada laamiga. Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada ammaanka ay toogteen kooxo hubeysan oo isku dayay inay galaan hotelka, waxaana saraakiisha ammaanka ay sheegeen inay dileen ilaa afar nin hubeysan

Qaraxa kale ayaa ahaa gaari la dhigay Maqaayadda Muno oo u dhow Beerta Nabada, waxaana ka dhashay dhimasho iyo dhaawac.

Waxaa uu kaloo qaraxu saameeyay Beerta Nabadda oo ah goob loo dalxiis tago maalmaha jimcaha ay isugu tagaan dadweyne fara badan oo caruur ku jiraan, halkaasoo ay ku soo qaateen nasasho.

Is rasaaseyn muddo socotay ayaa goobta ka dhacay, waxaana jahwareerka ugu badan keenay rasaasta oo meel walba ka dhaceysay, isla markaana adkeysay in baabuurtii gurmadka deg dega ahaa ay goobta si deg deg ah u soo gaaraan.

Ku dhowaad labaatameeyo ruux dhaawacyo ah ayaa la geeyay goobaha caafimaadka Muqdisho, iyadoo badankood la geeyay Isbitaalka Daaru-Shifa.

Sidoo kale qarax kale ayaa dhacay oo ahaa gaari kale nawaaxiga Hotelka SYL, waxaana Qoraal la soo dhigay barta Twitter-ka NISA lagu sheegay in qaraxyada ay ahaayeen afar gaari.

Qoraalka la soo dhigay barta Twitter-ka NISA ayaa lagu sheegay inay jirto dhimasho badan, hase ahaatee tiro sax ah ma sheegin, waxaana ay tilmaameen inay dad badan soo bad baadiyeen.

Wararka ayaa intaa ku daraya inuu jiro khasaare baaxad leh oo sababay qaraxii hore oo ahaa mid laamiga oo dhan dumiyay, ayna jiraan gidaaro ku dumay dad hareer fadhiyay.

Meydadka dhowr ruux oo u badan haweenka qaadka iibiya, kuna dhow dhanka Madaxtooyada ayaa la sheegay in lagu arkay iyagoo ku dhex jira gidaar dumay.

Laamaha ammaanka ayaa ka digay inay jiraan baabuuro kale oo goobta yaalla inay walxaha qarxa ku jiri karaan, waxaana wali adag in la helo macluumaad dheeraad ah laga helo halka ay wax ka dhaceen, maadaama ay xilli habeen tahay.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada qaraxyadii caawa, isla markaana ay weerartay Hotelka SYL, dad degan hotelka ayaa xaqiijinaya in qaraxa hore uu saameeyay muraayadaha hotelka.

Dhanka kale wasiirka amniga dowlada federalka Somalia C/risaaq Cumar Maxamed oo Saxaafadda kula hadlay Magaalada Muqdisho, ayaa sheegay Qaraxaasi inuu ahaa mid aad u xoogan oo tankiisa uu aad u cuslaa.

 

“Baaritaan ay sameeyeen Booliska qaraxyada qaabilsan iyo hey’adaha taageera waxay qaraxan ku tilmaameen inuu ku cuslaa kii hotelka Jazeera, wuxuu ahaa 200KG waxyaabaha qarxa ee saarnaa, kii Hotelka Jazeera wuxuu ahaa illaa 150KG”ayuu yiri Wasiirka Amniga C/risaaq Cumar Maxamed.

C/risaaq Cumar Maxamed Wasiirka Amniga Somaliya wuxuu tilmaamay Afar Askari oo ka tirsan ciidamada Nabad Suggida Somaliya inay ku geeriyoodeen qaraxaasi, kuwaasi oo gaarigii waxyaabaha Qarxa ka buuxiyay ku celiyay goobta Koontaroolka ah.

“Ciidamada Nabadsugida ayaa gaariga xamuulka ahaa ku joojiyay koontaroolka, wuxuu isku dayay inuu xoog ku gudbo, markiiba waa uu qarxay”ayuu yiri Wasiirka oo intaa ku daray in afar ka mid ah Ciidamadii Nabadsugida ee goobta ku sugnaa ay dhinteen.

Dowladda Somaliya, ayaa sheegtay inay wado baaritaanka la xiriira Qaraxyadan xalay dhacay oo Khasaare dhimasho iyo dhaawac sababay

The post Warar dheeraad ah oo ka soo baxaya qaraxii xalay ka dhacay nawaaxiga syl ee muqdisho iyo wasiirka amniga oo faah faahin kabixiyay appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>