Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo arday Soomaaliyeed kula kulmey magaalada Bursa ee dalka Turkiga

$
0
0

Bursa(Puntland Post)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la yeeshay ardayda Soomaalida ee wax ka barta magaalada Bursa ee waqooyiga galbeed ee dalka Turkiga.

Waxaa uu Madaxweynaha ardaydaasi ka xog wareystey xaaladooda nololeed iyo tan waxbarasho, isagoo ku boorriyay inay xoogga saaraan barashada xirfadaha kala duwan ee muhiimka ah.

“Waxaad halkan ku joogtaan magaca Soomaaliya. Waxaad wax u baraneysaan waa waddankiina. Marka aad waxbarashada dhammeysataan dalkiina ayaa idin baahan. Dalkeena waxaa uu leeyahay sidaad ogtihiinba kheyraad badan, waana lagama maarmaan inaad barataan culuunta noocyadeeda kala duwan, si aan kkheyraadkaasi uga faa’iideysano’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Ardeyda Soomaalida ee wax ka barata magaalada Bursa ayaa qaarkood ku jira waxbarashada dugsiga sare, iyagoo rajeynaya inay sannadkan dhammeystaan.

Mas’uuliyiinta Jaamacadda Uludag ee magaalada Bursa, ayaa booqashada Madaxweynaha ee magaalada iyo xarunta Jaamacadda awgeed waxay ku dhawaaqeen inay deeq waxbarasho oo jaamacadeed siinayaan ardeyda Soomaalida ee waxbarashada dugsiga sare sannadkan ku dhammeysanaya magaalada.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo arday Soomaaliyeed kula kulmey magaalada Bursa ee dalka Turkiga appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>