Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Wararkii ugu dambeeyey Qaraxii Hotel SYL

$
0
0

Muqdisho-(Puntland Post)-maamulka Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay dad ku dhaawacmay qaraxii xalay ka dhacay Hotelka SYL ay ku dhinteen gudaha Isbitaalka.

Madaxa Caafimaadka isbitaal Madiino dr Duniyo Maxamed Cali ayaa xustay ku dhawaad sideed ruux inay ku dhinteen Isbitaalka kuwaas oo dhaawacyo halis ah qabay.

Dr Duniyo ayaa sheegay in tiro kale oo dhaawacyo ah ku jiraan isbitaalka,islamarkaana ay isugu jiraan dhaawacyo halis ah iyo kuwo fudud,guud ahaan tirada dhimatay iyo kuwa hada isbitaalka yaal ayey ku sheegtay in ka badan 30 qof.

Dhinaca kale maamulka gobolka Banaadir ayaa tilmaamay in dadkii xalay ku dhintay Qaraxa inay ku jireen sadex Haween ah oo ka shaqaynayey nadaafada.

Wali waxaa sii kordhaya tirada dhimashada Qaraxii xalay ka dhacay Hotel SYL,waxaana lagu qiyaasay in ka badan 20 ruux.

PUNTLAND POST

 

The post Wararkii ugu dambeeyey Qaraxii Hotel SYL appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>