Garowe-(Puntland Post)-Islaanka Ciise Islaan Maxamed ayaa maanta xoolo ari ah ku wareejiyey shaqaalaha dhisaya Airbortka magaalada Garowe.
Duqii hore ee magaalada Garowe Cabdicasiis Nuur Cilmi Koor iyo Cabdiwali Jaamac Buux oo kamid ah howl wadeenada Garoonka wax ka dhisaysa ayaa goobta ka hadlay, waxyna tilmaameen in talaabada Islaamku ay tahay mid ku dayasho mudan.
Islaanka ayaa Garoonka kormeeray shaqada ka socota,waxaa uuna la kulmay qaarkamid shaqaalaha dhisaya Garoonka.
Xoolaha uu maanta geeyey Islaamku Airbortka ayuu ugu talo galay inay maanta ku qadeeyaan shaqaalaha dhisaya.
Cabdicasiis Nuur Cilmi koor duqiii hore ee Garowe ayaaa shacabka ugu baaqay inay ku daydaan taalabada Islaamku uu qaaday islamarkaana dhismaha Garoonka iyo shaqaalaha dhisayaba ay ku taageeraan waxay awoodaan.
Halkan ka Dhagayso Codka
Sawirro.
PUNTLAND POST.
The post Islaan Ciise oo xoolo ku wareejiyey shaqaalaha dhisaya Airportka Garowe appeared first on Puntland Post.