GAROWE-(Puntland Post) Madaxwaynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) oo dhowaan magacaabay Agaasimaha guud ee Hay’adda daryeelka iyo horumarinta dhagoolayaasha Puntland ayaa maanta waxaa hay’addaasi xarunteeda Garowe daah-furay wasiirka waxbraashada.
Munaasiabdda lagu daah-furayay Hay’addan cusub oo ah mid dowli ayaa waxaa kasoo qayb galay xubno kala duwan oo ka socda dowladda,culimadda,hay’addaha caalamiga ah iyo dadka naafada ah, waxana lagu soo jeediyay khudbado kala duwan oo dhammaantood xambaarsan ahmiyadda uu xafiiskan u lee yahay dadka maqalka la’.
Sheikh Bilaal Cabdalle oo ku hadlayay magaca hay’adda daryeelka dhagoolayaasha ayaa sheegay inay hay’addaan cusub loo aas aasay sidii ay wax uga qaban lahayd baahiyaha waxbarasho iyo dhiiri galineed ee ay u baahan yihiin dad naafada ka ah maqalka ee ku nool Puntland.
“Dadka dhagoolayaasha waxay u baahan yihiin wax walba oo aan anagu u baahanay.Waxa ugu muhiimsan ee aan ku saacidi karno waa waxbarashada iyo farsamada gacanta, si ay nolashooda horumar ugu sameeyaan,” ayuu yiri Shekh Bilaal.
Maxamuud Cali Yuusuf oo ka socday hay’adda Unicef ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay hay’addaan cusub, isagoo sheegay inuu aaminsan yahay inay wax badan ka qabandoonto u qareemida dhagoolayaasha Puntland, wuxuuna intaas kusii daray inay hay’adda Unicef la shaqayndoonto.
Wasiir ku xigeenka haweenka Puntland Farxiyo Maxamuud Xirsi oo kamid ahayd mas’uuliyiinta dowladda ee kasoo qeyb galay xaflada daahfurka ayaa sheegtay inay dareemayso hirgalinta tiir muhiim ah oo bulshada kamid ah oo la taagay, waxayna intaas ku dartay dowladda Puntland inuu waajib ka saaaran inay ka warqabto bulshadeeda baahiyaha gaarka ah qabta.
Wasiirka wasaaradda waxbarashada dowladda Puntland Abshir Aw-Yusuf Ciise oo gabagabadii ka haddlay xafladaan ayaa sheegay inay tixgalin weyn u hayaan waxbarashada dhagoolayaasha ayna tahay qeyb dhan oo katirsan waxbarashada Puntland.
Wasiirka waxbarashu wuxuu sheegay dowladdu inay qorshe gaar ah ka leedahay waxbarashada dhagoolayaasha, sidoo kalena la dardar galindoono sidii ay waxbarasho uheli lahaayeen dadka dhagoolayaasha.
“Waxaa mas’uuliyad naga saaran tahay inaan u sameyno Manhaj ay wax ku bartaan dadka dhagoolayaasha ah, sidoo kale waa in la helaa agabkii waxbarashadooda fududayn lahaa, Macalimiin tayo iyo tababar leh,”ayuu yiri wasiirka waxbarashadu.
Ugu dambayn wasiir waxbarashada ayaa ku baaqay in laga qeyb qaato taageerada daryeelka iyo horumarka dhagoolayaasha Puntland.
Hay’addaan cusub ee daryeelka iyo horumarinta dhagoolayaasha oo ah markii ugu horeysay oo la aas aaso ayaa waxaa Agaasime guud looga dhigay Sakariye Siciid Yuusuf oo in badan kasoo shaqeynayay hay’adda daryeelka bulshada Puntland (PASWE), waxaana dhawaan degreeto kusoo magacaabay madaxweynaha dowladda Puntland xilkaasi loogu magacabay.
PUNTLAND POST
The post Hay’adda Daryeelka iyo horumarinta dhagoolayaasha oo maanta Garowe lagu daah furay appeared first on Puntland Post.