Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Wacyi Galin Ku saabsan Deegaanka Oo Maanta Loo qabtay Shacabka Tukaraq Iyo Boocame

$
0
0

Tukaraq-9Bosaaso(Puntland Post)-Tababarkan oo ku saabsanaa xaalufka deegaanka iyo ugaarta si dabar go’aysa ayaa waxaa loo qabtay odoyaal, dhalinyaro iyo haween waxaana looga dooday dhibaatada dadka u gaystaan deegaanka iyadoo lagu wacyi geliyay inay kaalin muuuqata ka qaataan dadka deegaanka sidi ay u ilaalin lahaayeen deegaankooda.

Hay’adda deegaan (DRDO) oo tababarka bixinaysay ayaa dadka deegaanka ku wacyigelisay inay diirada saaraan sidii ay ugu hortegi lahaayeen dhibaatada dadka deegaanka u gaysto ( Man-Made Environmental Preblem) oo keeni karta xaaluf iyo nabad guur ku dhaca deegaanka taasoo keenta in deegaanka laga guuro.

Maamulka degmooyinka Tukaraq Iyo Boocame ayaa ka hadlay dhibaatoyinka faraha ba’an ee lagu haayo deegaanka, waxaana ay balanqaadeen in wasaarada kala shaqayaan ilaalinta deegaanka, sidoo kale dadka deegaanka oo tababarka wacyigelinta loo qabtay ayaa ku dheeraday isla markaana siyaabo kal duwan u sharaxay in deegaanka u baahan yahay waxqabad iyo ilaalin.

Wacyigelintan loo qabtay dadka deegaanka waxa ay ujeedadisu ahayd badbaadinta deegaanka oo kaalin muhiim ah noolaha ugu jirto Sida neefsiga iyo biyaha.

Sawiro

20160219_121140 IMG_68171 IMG_68201 IMG_68211 IMG_68221 IMG_68231 IMG_68281 IMG_68301 IMG_68311 IMG_68361 IMG_68381

The post Wacyi Galin Ku saabsan Deegaanka Oo Maanta Loo qabtay Shacabka Tukaraq Iyo Boocame appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>