Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

“wax yar oo aynu innagu qabsano, waxa uu inooga khayr badan yahay wax-badan oo shiyeeshe ina siiyo”

$
0
0

Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Eng.Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey ayaa maanta Feb-29-2016 waxaa uu xadhigga ka jaray waddo laami ah oo laga hirgeliyey gudaha magaalada Boosaaso gaar ahaan dhabarka masaajidka Darayle ee ku yaalla bartamaha suuqqa weyn ee Boosaaso.

Dhismaha Waddadan oo gaadheya 600Mitir(lix boqol oo mitir) ayaa waxaa lagu dhisay hal-kudhiggii Madaxweynaha Dawladda Puntland ee ahaa “Puntland haysku Tashato” , waxaana  iska kaashaday dhaqaalaha ku baxay waddadan ganacsatada reer Boosaaso iyo dawladda hoose ee Degmada Boosaaso.

Munaasabadda xadhig  jaridda waddada oo ay goob joog ka ahaayeen Guddoomiyaha Gobolka Bari, Duqqa Degmada Boosaaso, Gaanacsato iyo shirkaddii dhistay waddada ayaa Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland waxaa uu uga mahadceliyey ganacsatada reer Boosaaso iyo dawladda hoose ee Boosaaso oo is kaashayana, isla markaana ka duulaya “Puntland haysku Tasho” tallaabadan muhimka ah ee ay qaadeen iyagoo ka shaqaynaya qurxinta iyo soo celinta Bilicda magaalada Boosaaso.

“wax yar  oo aynu  innagu qabsano, waxa uu inooga khayr badan yahay wax-badan oo shisheeye ina siiyo” ayuu yiri Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland.

Dhinaca kale Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha ayaa waxa uu xadhigga kajaray Buundo hore u bur-burtay , taas oo ay si wada jir ah u dhagax dhigeen dhismeheeda Madaxweynaha Dawladda Puntland, Madaxweyne ku-xigeenka iyo Guddoomiya Baarlamaanka Dawladda  Puntland, isla markaana ay dhistay Dawladda Hoose ee Degmada Boosaaso .

Buundadan ayaa waxaa lagu dhisay hal-kudhiggii Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ee ahaa “Puntland haysku Tashato” waxaana dhistay Dawladda Hoose ee Degmada Boosaaso oo kaashanaysta ganacsatada iyo Bulshada ku dhaqan magaalada Boosaaso.

Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha ayaa Dawaladda Hoose ee Boosaaso ku ammaanay shaqooyinka baaxadda leh ee ay ka qabatay Degmada Boosaaso, sidoo kalena  waxa uu ugu baaqay  Dawladaha hoose ee degmooyinka kale ee Puntland in ay kaga daydaan Dawladda hoose ee  Boosaaso sida wanaagsan ee ay ugu adeegayso bulshada iyo qaabka ay dalka dib u dhiskiisa uga shaqaynayso, isagoona xusay isku tashigu qiimaha uu dalka u leeyahay.

“wax badan ayaan lagu yeeray in aan xadhigga ka jaro mashruuc lagu dhisay barnaamijka JPLG ee ay hay’aduhu  inaga caawiyaan, balse maanta farxad gaar ah bay ii tahay in aan xadhigga ka jaro mashaariic lagu dhisay Puntland haysku Tashato” ayuu yiri Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland Eng.Cabdixakiim Cabdulaahi Cumar.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

IMG_1595 IMG_1602 IMG_1604 IMG_1606 IMG_1613 IMG_1633 IMG_1637 IMG_1638 IMG_1643 IMG_1649 IMG_1653 IMG_1661 IMG_1663 IMG_1666 IMG_1670 IMG_1672 IMG_1675 IMG_1676 IMG_1677 IMG_1678 IMG_1683 IMG_1691 IMG_1697 IMG_1699 IMG_1711 IMG_1714 IMG_1716 IMG_1718 IMG_1719 IMG_1720 IMG_1730 IMG_1734 IMG_1749 IMG_1755

The post “wax yar oo aynu innagu qabsano, waxa uu inooga khayr badan yahay wax-badan oo shiyeeshe ina siiyo” appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>