Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Ciidanka Jubbaland oo gacanta kusoo dhigay qaraxyo Al-Shabab qorshaysay

$
0
0

KooyalKismaayo-(Puntland Post) Ciidamada nabad sugida Kismaayo ayaa gacanta kusoo dhigay miino nooca dhulka lagu aaso oo koox ka tirsan Al-Shabab damac-sanaayeen inay galiyaan qaar ka mid ah waddooyinka magalada sida uu sheegay Afhayeenka ciidankan Axmed Maxamed Maxamuud (Carab).

Carab waxa uu shir jaraa’id uu qabtay warbaahinta u sheegay in kooxdaasi ay dagaal ku dhexmartay waddadii ay miinada ku aasi lahaayeen balse ay markii danbe ku guulaysteen in miinada iyo hubkooda gacanta lagu dhigo.

Afhayeenka ciidanka nabad sugida Jubbaland ayaa u mahad celiyay shacabka Kismaayo oo uu sheegay inay mar walba kala shaqeeyaan arrimaha ay ka shakiyaan si looga hortago, waxa kale uu tilmaamay inay muhiim tahay wada shaqaynta noocaas oo kale ah.

Qarax-yadan uu sheegay Afhayeen Carab inay ciidanku fashiliyeen waxay kusoo aadaysaa xilli dagaal yahano ka tirsan Al-Shabab labo weerar oo halis ah ku qaadeen todobaadkan dhexdeeda goobo dad rayid ah ku badan yihiin oo ku yaala Muqdisho iyo Baydhabo.

Dadka falanqeeya xaalada Soomaaliya ayaa tilmaamaya in kooxdan Al-Shabab badashay weeraradii iyo qaraxyada ay ka fulin jirtay koonfurta dalka, hubka iyo qaraxyadan ayaa ah kuwo ka miisaan culus kuwii horey u isticmaali jireen.

PUNTLAND POST

The post Ciidanka Jubbaland oo gacanta kusoo dhigay qaraxyo Al-Shabab qorshaysay appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>