Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Axmed Madoobe ”Ciidamada Soomaaliyeed ha ilaaliyaan Villa Somalia”

$
0
0

Kismaayo-(Puntland Post) Madaxwaynaha mamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaan Madoobe oo maanta dib ugu soo laabtay magalada Kismaayo ayaa ku taliyay in ciimada Ajanibta ah ee ilaalinaya xarunta dalka ee Villa Somalia laga badalo oo lagu badalo ciidamo Soomaaliyeed, wuxuu hadalkiisa kusoo aaday xilli dad rayid ah ay ku la’deen weeraro ka dhacay Muqdisho iyo Baydhabo.

”Talo ahan waxaan kasoo jeedin lahaa ama dowladda dhexe ha noqoto ama dowladda gobaleed-yada ha noqoto, in kullo laga qaado ciimada AMISOM ee waar diyeynaya oo qolo kasta iyadu is ilaaliso, laga bilaabo Villa Somalia in laga qaado ciidamada AMISOM oo la geeyo ciidamo Soomaaliyeed”.

Madaxwaynaha ayaa sidoo kale sheegay inay dhowaan bilaabi doonaan howl-galo lagula dagaalamayo kooxda Al-Shabab wuxuna sheegay inay tilaabo sharci ah ka qaadi doonaan cid kasta oo ruux Al-Shabab ah ka dabo yimaado.

Ciidamada Kenya ee ka midka ah howlgalka AMISOM ayaa ilaalinaya ammaanka garoonka diyaaradaha Kismaayo iyo dekadda, ugu danbayntii Axmed Madoobe waxa uu sheegay inay muhiim tahay in xagga ammaanka dib loogu laabto.

PUNTLAND POST

The post Axmed Madoobe ”Ciidamada Soomaaliyeed ha ilaaliyaan Villa Somalia” appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>