Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Jariif layaal Yaman kasoo jeeda oo rasaaseeyay shacabka ku nool deegaanka Maraya ee Eyl

$
0
0

kll1GAROWE-(Puntland Post) Shacabka iyo Odayaasha deegaanka Maraya oo qiyaastii 60-KM dhanka bari kaga beegan degmada Eyl ee Gobalka Nugaal ayaa cabasho xoogan ka muujiyay Jariif layaal u dhashay dalka Yaman oo rasaas ooda uga qaaday dad ka agdhowaa xeebta deegaankaasi.

Gudoomiyaha Tuuladaasi Cabdicasiis Xasan Bootaan oo la hadlay Radio Garowe ayaa sheegay inay cabasho ka muujiyeen falalka ay kooxdan qowlaysatada ah ku hayaan xeebta deegaanka Maraya, wuxuuna tilmaamay inay muhiim tahay in mamulka dowladda uu arrintan wax ka qabto.

Mamulka degmada Eyl ayuu sheegay inay u gudbiyaan dhacdadaan si wax looga qabto sidoo kale waxa uu sheegay inay ku war galiyeen ciidanka badda Puntland oo fadhi ku leh degmada Eyl wuxuu sheegay Bootaan inay u sheegen inaysan amar u haysan inay wax ka qabtaan jariifka oo ay shaqadoodu un tahay burcad badeeda.

Marka laga tago xaalufka lagu hayo xeebaha deegaankaasi Maraya waxa uu ka mid yahay meelaha uu sida aadka ah u saameeyay abaaraha dalka ka jira, wuxuu dowladda dhexe ugu baaqay inay wax ka qabtaan labo abaarood oo uu sheegay inay ka taagan tahay barriga iyo badda.

Cabashadan uu ka muujiyay gudoomiyaha Maraya Jariif layaasha usoo shaqo tagay xeebaha Soomaaliya ayaa kusoo aadaysa xilli ay sii xoogaysanayaan jariifka lagu hayo biyaha Soomaaliya, taasoo sababi karta haddaan laga hortagin inay dib usoo laabtaan falalkii Burcad badeeda.

PUNTLAND POST

The post Jariif layaal Yaman kasoo jeeda oo rasaaseeyay shacabka ku nool deegaanka Maraya ee Eyl appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles